Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Hay’adda USAID Oo Booqasho Ku Yimid Hargeysa

0
4761

 

 

sarkaalHargeysa(Geeska)-Waxa dhawaan safar ku timid magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ku xigeenka kaaliyaha USAID u qaabilsan qaaradda Afrika Rajakumari Jandhyala.

Sida lagu sheegay warsaxafadeed uu shalay soo saaray xafiiska USAID ee Afrika, ujeedada socdaalkani waxa uu ahaa inay indha-indhayso barnaamijyada horumar ee ay hay’adda USAID ka waddo Somaliland iyo sida ay tahay shaqada dadka ay wada shaqeeyaan. Warku wuxuu sheegay inay haweenaydani la kulantay masuuliyiin ka socday dawladda Somaliland, shaqaalaha hay’adaha ay USAID wada shaqaynta leeyihiin, sidoo kalena waxa ay booqatay xarun waxbarasho oo ku taala xaafadda Maxamed Mooge oo ay USAID caawiso. “Waxaan ku faraxsanahay inaan arko waxa ay gaadheen USAID iyo dadka Somalida ahi,” ayay tidhi haweenaydani, waxaanay intaas raacisay, “Taageerista kobcinta dhaqaalaha, tacliinta iyo xoojinta dhallinyaradu xaqiiqdii waxay taabatay nolosha dadka; ujeedada USAID-na waaba intaas.”

Warsaxaafadeedka waxa lagu sheegay in USAID ay Somaliland ugu deeqday sannadkan $ 20 million (Labaatan Milyan oo Dollar), taas oo loogu tallo galay in lagaga kaalmeeyo dhinacyada dawladnimada, tacliinta, kobaca dhaqaalaha, noloshada dhallinyarada iyo waxyaabo kale.