Shirkadda Caanka Ah Ee Apple Oo Nin Macmiil U Ah Uga Shakiday In Uu Yahay Saddaam Xuseen

0
535

London (Geeska)- Shirkadda caanka ah ee Apple ee Maraykanka oo soo saarta talefannada iyo aaladaha casriga ah ee iPhone iyo iPad ka  ayaa nin macaamiisheeda ah oo lacag ku lahaa u sheegtay in aanay siinayn illaa uu so caddeeyo in aanu ahayn Saddaam Xuseen kii madaxweynaha ka ahaa Ciraaq.

1

Warkan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska ayaa intaas ku daraya in qisadani ay ku dhacday wiil u dhashay dalka Ingiriiska oo muslim ah. Wiilkan oo lagu magacaabo Sharaakaat Xuseen ayaa mid ka mid ah laamaha shirkadda Apple u tegey, una dhiibay Talefan Apple ah oo uu doonayey in dib loogu ceshado oo la siiyo  lacagtiisa oo u dhigmaysay 980 Doolar, laakiin masuulkii shirkadda uga shaqaynayey laantan ayaa u sheegay in lacagta loo celinayo aan si toos ah gacanta looga siinayn sida uu sharciga shirkaddu dhigayo, balse loogu xawilayo Akoon bangi, arrintaas oo macmiilkuna aqbalay.

Dhowr maalmood ayaa uu macmiilku sugayey in lacagtan ay shirkaddu ugu soo shubto akoonkii bangiga ee u uu qoray, laakiin taas beddelkeeda waxaa soo gaadhay farriin internet ka loogu soo diray (E-mail) oo shirkaddu ku ogeysiinayso in aan lacagtii loo soo celin doonin illaa uu soo caddeeyo in aanu ahayn madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen, oo sida aynu la soconno dal-dalaad lagu dilay 2006dii. Shirkaddu waxa ay u sheegtay Sharakaat Xuseen oo deggen magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska in magaciisu uu ku jiro liiska dad ay xukuumadda Ingiriisku mamnuucday in wax talefan ah oo uu leeyahay loo iibiyo.

Wiilkan ayaa uu warku sheegay in marka hore uu talefankan u iibsaday in uu hadyad uga dhigo walaashii, laakiin ay jeclaan weyday, sidaa awgeed uu dib ugu soo noqday shirkadda si dib looga ceshado. Xuseen waxa uu warbaahinta u sheegay in uu amakaag ka qaaday go’aankan shirkadda, isaga oo sheegay in Saddaam Xuseen la wada og yahaybain la dilay sannado badan ka hor, sidaa awgeed ay la yaabban tahay sababta ay shirkadd isugu qaldi karto ninkaas.