Dhiigkarka (8): Cuntooyin Caawiya In Dhiiggu Dego Iyo Xaaladaha Khatarta Ah Ee Dhiigkarka Ka Dhasha

0
761

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu Geeska Afrika ka diyaariyey cudurka dhiigkarka.

1

Waa qayb kale oo ka mid ah hababka lagula tacaali karo dhiigkarka:

– Nafta oo la dejiyo:

Cilmibaadhayaal ka tirsan cisbitaalka guud ee Massachusetts ee dalka Maraykanka ayaa baadhis cilmi ah oo ay sameeyeen ku ogaaday in qofka oo nafsiyan u dareemo nafis iyo dabacsanaan dhinaca acsaabta ahi ay si muuqata uga qayb qaadato dadaalka dejinta dhiigkarka, gaar ahaan dadka waaweyn.

– Hurdo: In qofku uu sidiisaba seexdo hurdo aan ku filnayn waxa ay kor u qaaddaa khatarta ah in uu ku dhaco cudurka macaanku. Saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Chicago ee dalka Maraykanka ayaa shaybaadho ay muddo 5 sano ah ku samaynayeen dad tiradoodu ka badan tahay 500 oo da’da dhexe ah, ku ogaaday in hurdo yaraantu ay dhiigkar keeni karto.

Daraasadaha qaar ayaa iyaguna tilmaamaya in dadka waaweyni ay ka taxaddaraan in ay seexdaan wax ka yar 7 saacadood, isla markaana aanay saacadaha hurdadoodu ka badan 8 saacadood. Sannadkii 2008dii, Akademiyadda Maraykanka ee daweynta hurdadu, waxa ay baahisay daraasad muujinaysa in dadka seexda saacado ka badan ama ka yar 7 illaa 8 saacadood habeenkii ay khatar u yihiin in dhiigkar ku dhaco.

Cuntooyin caawiya in dhiiggu dego:

Waxaa jira cuntooyin tiro badan oo dhaqan ahaan loo tijaabiyey qaarkoodna  dhakhaatiirtu qireen in ay ka qayb qaataan dejinta dhiigkarka, waxa aana ka mid ah:

Cuntooyinka Kaalshiyaamta leh.

Saliidda laga saaro beerka kalluunka oo afka qalaad lagu yidhaahdo, (Cod Liver Oil)

Asiidhka dufanka ah ee kalluunka laga saaro oo loo yaqaanno Omega3

Toonta.

Cuntooyinkan ayaa lagu talinayaa in qofka dhiigkarka lihi cuntadiisa caadiga ah ku dhex daro, sidoo kale keli ahaantoodna waa uu u isticmaali karaa.

Khatarta Xaaladaha Caafimaad Darro Ee Ka Dhasha Dhiigkarka:

Dhiigkarka oo sida aynu soo sheegnay cudur khatar badan, muddooyinkan dambana aad dunida caafimaadku ugu garan ogtahay, ‘Dilaaga Aamusan’ maadaama oo aan laga bogsan waxa uu u baahan yahay in qofku uu sida ugu fiican ula n oolaado, kana taxaddaro in uu is diidsiiyo in uu cudurkan qabo ama in uu colaad la galo, oo ku cariyo in aanu waxba ka qaadi karin, isaga oo aan dawadii iyo dadaalladii kale ee uu kula noolaan karayey la iman.

Sida uu cilmigu xaqiijinayo khatartaha uu dhiigkarku qofka ku keeno waxaa ugu mudan in cadaadiska badan ee uu ku hayo derbiyada halbawlayaasha dhiiggu uu sababo khatar caafimaad  oo ku dhacda xididdada laftooda iyo qaybo kale oo jidhkeenna ka mid ah. Mar kasta oo ay sii badato muddada uu dhiiggu kfacsanaanayaana waxaa sii korodha khasaaraha ka dhalanaya. Dhibaatooyinka khatarta ku ah caafimaadka ee ka dhalanayana waxaa ka mid ah:

– In uu xididdada dhiigga dhaawaco.

– In xididdadu balqaan, taasina dhaawacdo xawaarihii iyo caabbigii uu dhiiggu wadnaha ku soo gaadhayey.

Wadne istaag.

– In ay xidhmaan ama dillaacaan xididdada dhiigga ee maskaxda waraabiyaa. Waxaana ka dhalanaya faalig, ama in unugga maskaxdu dhinto.

In ay cidhiidh dareemaan ama daciifaan xididdada dhiigga ee kelyuhu. Waxa aana ka dhasha in kelyuhu shaqada joojiyaan.

– In uu dhiiggu ku bato ama xidhiidhi ku noqdo ama ay dhaawacmaan xididdada dhiigga ee indhaha. Waxaana ka dhalanaya indho la’aan ama aragga oo aad u daciifa.

– Dhibaatooyin dhinaca xusuusta ama fahamka ah oo uu qofka ku keeno. Dhammaad.