Shirkadda Apple Oo Bilaabaysa Iibka Saacadaheeda Casriga Ah Iyo Wax Yaabaha Saacaddani Qaban Karto

0
556

Picture4Washington (Geeska)- Shirkadda caanka dunida ka ah ee Apple oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa jimcihii ku dhawaaqday in ay bilaabayso iibka saacadihii ugu horreeyey ee ay samaysay oo lagu magacaabo Apple Watch, kuwaas oo iibkoodii horudhaca ahaa ay bilowday Toabnkii bishan aynu ku jirno ee Abriil, waxa aanu qorshaheedu yahay in ay 24ka Abriil 2015ka oo uu hal toddbaad innaga xigo ay si rasmi ah saacaddan u soo geliso suuqyada sagaal dal oo kala ah, Ustareeliya, Kanada, Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka, Hong Kong, Jabaan iyo Ingiriiska iyo Maraykanka.

Dillaaliinta waaweyn ee suuqyada iibka aaladaha casriga ah ayaa saadaalinaya in furitaanka koowaad ee iibka saacadahan casriga ah ee Apple la iibsan doono qiyaas ah ugu yaraan Hal Milyan oo saacadood. Si gaar ah marka loo sii eegana waxaa lagu wadaa in 24 saac ee ugu horreeya la iibsan doono saacado tiradoodu ka badan tahay 3 boqol oo kun oo saacadood, wadar ahaanna waxaa la saadaalinaya in shirkadda Apple ay sannadkan 2015ku inta anau dhammaan iibin doonto ugu yaraan 8 Milyan oo saacadahan ah, taas oo ay ka faa’idi doonto lacag dhan 4.4 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah.

Apple Watch waa ay noqonaysaa wax-soo-saarkii afaraad ee shirkadda Apple, waxaana ka horreeyey talefannada caanka ah ee Iphone, Ipod iyo Ipad ka, adeegyada saacaddan laga heli doonana waxaa ka mid ah; waxa aad kaga jawaabi kartaa talefanka ku soo dhacay madaxa talefankaaga Iphone ka ah, waxa aad ku dhegeysan kartaa codadka, sida muusigga iwm, waxa ay ku sheegaysaa farriimahaaga e-mailka, SMS ka iyo barkulannada bulshada kugu soo dhaca, iyo adeegyo kale oo badan.