Geeska Afrika Oo Sagaal Jirsaday Iyo Aragtiyaha Ay Madaxda Siyaasadda Iyo Ururada Bulshadu Ka Bixiyeen Mihnadiisa Shaqo Iyo Anshaxiisa War-tebineed

0
598

maantaHargeysa(Geeska)-Jimcihii shalay ee 17 April 2015 waxa ay ku beegnayd sannad guuradii sagaalaad ee ka soo wareegtay maalintii u horaysay ee uu Wargeyska Geeska Afrika soo baxay oo ahayd 17 April 2006.

Markii u horaysay wuxuu Wargeyska Geeska Afrika ku bilaabay inuu soo baxo laba maalmood, waxase uu muddo kooban ku xigsiiyay saddex maalinle, isagoo aakhirkiina noqday inuu soo baxo shan maalmood toddobaadkiiba, waxaanu ku soo bixi jiray luuqada Soomaaliga. Hase yeeshee afar sannadood ka dib wuxuu Wargeysku soo kordhiyey mataankiisa toddobaadlaha ah ee afka Ingiriisida oo la yidhaahdo The Horn, kaas oo soo baxa Isniinta, muddo yar kadibna waxa uu soo kordhiyey toddobaadlaha Ciyaaraha oo gaar u ah arrimaha ciyaaraha oo isna soo baxa Isniin kasta, waxaanu sidaas ku noqday wargeyska ugu balaadhan wargeysyada Somaliland ka soo baxa oo soo saara saddex jariiradood oo mataano ah.

Haddaba sagaalkaas sannadood ee uu Wargeysku jiray, waxa uu wax ka qorayey arrimaha guud ahaan khuseeya Somaliland oo uu ahmiyadda koowaad siiyo, sida siyaasadda iyo arrimaha bulshada oo kala duwan.

Haddaba, waxa uu Wargeyska Geeska Afrika labadii maalmood ee u dambeeyay ururiyey aragtiyaha ay madaxda siyaasadda iyo bulshada rayidka ah ee Somaliland ka qabaan Wargeyska Geeska Afrika, waxaa aanu wax weydiinnay madaxda xisbiyada qaranka, wasiir iyo bulshada rayidka ah, kuwaas oo ka hadlay aragtidooda ku waajahan Wargeyska Geeska Afrika.

Xisbiga KULMIYE

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, oo ka mid ah dadka kooban ee sagaalka sannadood ee uu Wargeysku jiray ku xidhnaa wararkiisa islamarkaana uu wargeysku in badan baahiyay waraysiyo uu la yeeshay iyo hadalo kale oo uu baahiyeyba, ayaa ka hadlay sida uu u arko Wargeyska, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay  “Hambalyo ayaan leeyahay Wargeyska. Alle ha barakeeyo, mar hadday maanta sagaal jirsatay, boqolaal iyo sagaal iyo sagaashano kaleba ha sii jirto, jariiradaasi illaa maalintay soo baxday illaa maanta waxaa ay ku suntantay mudda-karnimo, macnaha waa jariirada ugu akhriska badan uguna xanafka yar jariiradaha soo baxa, dhex-dhexaadnimo ay aad isu dhowrto, waxyaabaha qaranka oo ay ka hadasho, markaa jariiradaasi aad ayaan ugu hambalyeynayaa Sagaalka Sanno ee ay jirtay waana Jariirad aan anigu inay hawsheedii aad u gudatay iyo in aad halkaas ka sii wadaan oo aydaan noqon kuwan uu qalinku kolba dhinac uga sim-biririxdo ee ama qof cayga ah ama meel ka dhaca badan leh. waxaan idiin rajaynayaa in aad salaanka aad u sii xejisataan kortaan noqotaana jariirad boqolaal sanno jirta. Waan akhriyaa oo waa jariirada aan ugu akhriska badanahay.".

Xisbiga UCID

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, wuxuu ka mid yahay hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee wadanka, kuwaas oo ay inta badan saxaafadda oo uu Geeska Afrika ka mid yahay la yeeshaan waraysiyo amaba ay baahiyaan warar kale oo khuseeya. Waxaanu Faysal Cali Waraabe weydiinay sida uu Geeska Afrika u arko, waxaanu yidhi, “Horta marka ugu horaysa aad iyo aad ayaan idiinku hambalyeynayaa Sagaal guurada aad gaadheen, waxaana aan idiin sheegayaa in jariiradiinaasi aad tihiin Jariirada qudha ee maanta magac ku leh dalka Somaliland oo khibradleh, dhexdhexaad ah, waa wargeys ay wadaan dad aqoonleh, dhaqanleh, oo eegaya shuruucda iyo anshaxa Saxaafada oo maanta wargeyska Geeska Afrika ayey noqotay taasi meel kastana waa la idin ka sheegay, waxaan idin leeyahay hambalyo."

Waddani

Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isaguna ka hadlay dareenkiisa ku waajahan sagaal jirsashada Wargeyska Geeska Afrika oo uu sagaalka sannadoodba sheegay inuu akhristayaasha ku xidhan ka mid yahay, “Waxaan doonayaa marka hore in aan hambalyeeyo wargeyska Geeska Afrika oo Sagaal jirsaday, shakhsiyan waxaan qabaa in uu yahay wargeys wax badan ku soo kordhiyey Somaliland oo shacbiga reer Somaliland iyo dadka kale ee wax akhristaaba ay wararkiisa aad iyo aad ugu kalsoon yihiin, wararkiisuna waxaa ay yihiin runtii kuwo aad looga fiirsaday oo si fiican loo qorsheeyey oo si fiican loo shaandheeyey kalsooni badana ay dadku ku qabaan, waxaa uu ka mid yahay wargeysyada annigu aan shakhsiyan aadka u akhriyo, wararkiisana aanu inta badan xaqiiqada marka la raadinaayo meelaha ugu dhow dhow ee wararka xaqiiqada ah laga raadiyo uu yahay, waa wargeys aan dhinacna u jan-jeedhin, dhex-dhexaad ah, wararkiisuna ay dhex-dhexaad yihiin, runtii waan hambalyeynayaa, waxaan hambalyeynayaa aas-aasayaasha, tifatirayaasha iyo dhamaanba dadka xog raadinta u ah wargeyska, runtii waa wargeys aan ku faani karno haddaynu nahay Somaliland.".Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

Wasiirka Arrimaha dibadda

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, oo ah diblomaasiga koowaad ee Somaliland, wuxuu isna ka hadlay aragtidiisa Wargeyska Geeska Afrika, Wargeyska Geeska Afrika,  waxaanu Wasiir Maxamed Biixi yidhi “Waxaan u arkaa jariirad aad iyo aad u weyn oo qiimo leh, oo gaar ahaan warar fiican oo dadka khuseeya soo qorta. Aniga dhowr goor ayey ila yeesheen waraysi oo si fiican oo xaqa ay u soo baahiyeen, dabcan inta badan waxaanu ku dhaliilnaa jaraa'idka oo aanu jecel nahay in ay warbixin sax ah ay sheegaan, wararka wargeyska Geeska Afrika bixiyaana waa warar sax ah, kuwa ay anniga iga qoraana waa waxyaabo dhaba oo sax ah, waa dad shaqo fiicani naga wada dhaxayso, waxaan aad iyo aad ugu dhiiri galinayaa in ay halkaasi hawsha ka sii wadaan oo ay horumar xoog leh ay dadka tusaan.

Dadku waxaa uu u baahan yahay jaraa'id idinka oo kale ah oo xaqa, war sax ahna sheega, bulshadana wax ku soo kordhiya oo wax aan ceeb iyo cay ahayna oo ah war sugan oo sax ah, oo runtii annagana na saxa hadaanu leex leexano ama ay wax qaladi jiraan, runta noo sheega nala shaqeeya, na toosiya, qadiyada Somaliland-na meel kasta geeya oo daacad ka noqda in ay umadda reer Somaliland u shaqeeyaan, war sax ahna ka geeyaan, waayo jaraa'idka iyo war-faafintuba waa waxyaabaha ugu waaweyn ee qiimaha leh, ee dadku akhristo weeyaan. Markaa annigu gaar ahaan waxaan jecelahay in aad igala shaqaysaan, hadday noqoto xaga ictiraaf raadinta iyo xaga horumarinta, xaga nabadda iyo waliba dalkeenu waxii uu horumar ku gaadhi lahaa oo inta badan aad ka shaqaysaan, siina xoojisaan aad iyo aadna waanu idiin ku hambalyeynaynaa sanad guuradiina Sagaalaad ee aad maanta gaadheen, mar kalena anniga oo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ah waan idiinka mahad naqayaan hawsha fiican ee aad bulshada u haysaan.”

Xildhibaan Cali Mareexaan

Xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee xisbiga Kulmiye, kana mid ah masuuliyiinta ku xidhan Wargeyska Geeska Afrika, oo aanu isna weydiinay sida uu u arko Geeska Afrika, wuxuu yidhi, “Waxaan ahaa dadka sida tooska ah ugu xidhnaa Wargeyska Geeska Afrika. Waxaan ku qiimayn karaa wargeys gar iyo dardaraba mucaarad ahaa. Laakiin qoraaladiisa mucaaradada ah wuxuu iska dhawri jiray aflagaado qaawan sida ay ku caan baxeen qoraayo badani. Waxa kale oo uu Geeska Afrika ahaa Wargeyska ugu badan ee hela xogta Somaliland ee beesha caalamka. Waxa jirtay dhaliil ay la wadaagto saxaafadda Somaliland taas oo ah inaanay mawqif madaxbanaan ka qaadan marka siyaasad aan Somaliland dan u ahayni ay kaga timaado dibadda.”

Marwo Edna Aden

Marwo Edna Aadan Ismaaciil, oo ah haweenay magac ku leh dunida, ahna guddoomiyaha iyo aasaasaha cisbitaalka iyo Jaamacada Edna Aden, horena u ahaan jirtay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ayaa iyaduna ka hadashay sida ay u aragto wargeyska Geeska Afrika, waxaanay tidhi “Wargeyska Geeska Afrika waxaan u dirayaa hambalyo, hambalyada waxaan raacinayaa, waxa aan aad iyo aad ugu qabaa kalsooni sida wanaagsan ee ay wararka u tabiyaan iyaga oo ka illaalinaaya wararkooda in ay eex ku daraan, waxaana aan Illaahay uga baryayaa horumarka ay gaadheen mid ka sii wanaagsan in Illaahay uu ku simo, lana qabto hawsha ay hayaan, waana ay mahadsan yihiin."

Bulshada rayidka ah

Hormuudka kuuliyada barashada cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafaadka Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed oo sidoo kalena ahaa guddoomiyihii hore ee dalladda ay ku bahoobeen ururada bulshada rayidka ah ee SONSAF, ayaa wuxuu kamid ahaa dadkii goob-jooga ahaa maalintii u horaysay ee la aasaasay Wargeyska Geeska Afrika, “Runtii waa wargeys aad iyo aad u fiican, waxaana aan odhan karaa saxaafada saddex arrimood ayuu ku soo kordhiyey ta koowaad waxa weeye waxaa uu saxaafada ku hogaamiyey barnaamijyada arrimaha bulshada sida in uu ka waramo caafimaadka, waxbarashada iyo waxyaalaha kale ee madadaalada la yidhaahdo iyo xikamka ee dadka aan siyaasada jeclayn ay jecel yihiin inta badan ah qayb ay bulshadu u baahan tahay, taas markaa waa uu ku soo kordhiyey, saxaafada kalena dhamaantood saamayn ayaa uu ku yeeshay oo isaga dabadii ayey khibradaas ka qaateen, anniguna marka aan wargeyska Geeska Afrika aan arko waa meelaha ugu badan ee aan akhriyo inta aanan wararka siyaasada ah eeginba gaar ahaan bogga goos gooska la yidhaahdo iyo bogaga kale ee ay leeyihiinba. Arrinta kale ee Labaad waxa weeye waa halka warka laga keenay ama laga soo xigtay la sheegin ama aan la cadaynin laguma kalsoonaan karo, waxaana aad moodaa in wargeyska Geeska Afrika uu arrintaana dedaal badan galiyo oo ay iska illaaliyaan, oo waxaa aad arkaysaa wararkooda marka ay waraysi qaadaan ama ay meel ka soo qaataan waa ay sheegaan. Ta saddexaad waxa weeyaan marka la eegayo Saxaafada Somaliland  dhinaca siyaasada marna waxa ay ku noqdaan xag-jir oo muxaafad ayey noqdaan marna aad ayey mucaarad u noqdaan, oo marba maamulka markaa jira ayaad mooda in ay diirad ka dhigtan illaa ay toos ula saftaan Axsaabta mucaaradka oo waxaad arkaysaa jariirad af mucaarad ku hadlaysa, halka ay marna ka noqdaan muxaafad xag jira oo marba baal kaga jira oo dhinaca xukuumada la safan, arrintaana waxaad moodaa in aan wargeyska Geeska Afrika aanu dhinacna la safan laakiin dhacdooyinka iyo xaqaa'iqa jira sida ay u jiraan marba usoo sheega, waana sababta aanay had iyo jeer u soo wajahin wax caqabaad ah, waayo dheeli tirku had iyo jeer saxaafada waa uu ka illaaliyaa sumcad xumada, dheelitirka ayuu illaaliyaa. Markaa saddexda arrimoodba waa saddex arrimood oo aan anigu indho-indhayn ku sameeyey, waana aan u hambalyeynayaa.".Ayuu yidhi Prof. Aadam Xaaji Cali Axmed.

Gunaanad

Wargeyska Geeska Afrika oo uu waqtigu u saamixi waayey in uu sidoo kale soo ururiyo aragtiyaha akhristayaashiisa, oo ah cidda dhabta ah ee uu ku tiirsanaa sagaalka sanno ee uu jiray, kuna shaqaynayey raalli gelintooda iyo in uu u soo gudbiyo warar hufan oo dhex-dhexaad ah iyo barnaamijyo kala duwan, waxa uu mar kale iyo marar badanba uga mahadnaqayaa, waqtiga badan ee ay siiyeen, iyo talooyinkooda aan kala go’a lahayn ee ay mar kasta soo gaadhsiiyaan oo uu wargeysku aaminsan yahay in ay udub dhexaad u tahay horumarka uu gadhay. Geeska Afrika waxa uu sii wadi doonaa dadaalka uu ku sii horumarinayo hawlihiisa shaqo, waxa aanu ballan qaadayaa in uu dhawro anshaxa saxaafadda iyo waajibaadka mihnadeed ee saran.