Caajisku Waa Cudurka Afaraad Ee Ugu Badan Xanuunnada Dadka Dunidu U Dhintaan

0
572

London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo dhowaan natiijadeeda lagu soo bandhigay dalka Ingiriiska ayaa daahfurtay in qofka oo saacado badan isaga oo aan waxba qabanayn meel fadhiya, gaar ahaan caajisku uu yahay cudurka afaraad ee ugu badan liiska xanuunnada ugu daran ee dadka duida maantu u dhintaan.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa carriga Ingiriiska oo uu Geeska Afrika natiijada daraasaddan ka soo xigtay ayaa sheegaya in ururka caafimaadka adduunku uu xaqiijiyey in caajisnimadu ay tahay cudur kale oo dad badani u le’daan, waxa aanay cilmibaadhayaashu dadka kula talinayaan in fadhi kasta oo laba saac oo isku xiga ah ay ku xigsiiyaan socod lugta ah iyo xarakaad kale oo jidhka ah.

Tijaabooyin ay xeel-dheerayaashu ku sameeyeen 2 kun oo qof oo shaqaalaha xafiisyada kala duwan ah, ayaa caddeysay in boqolkiiba 38 ka mid ah aanay wax dhaqdhaqaaq ah samayn inta ay xafiiska fadhiyaa, waxa ay dadkani qireen in xitaa marka ay qof isla xafiiska gudihiisa ah hawl uga baahdaan, halkii ay ka ahayd in ay u kacaan ay ka wahsadaan oo ay ku gaabsadaan talefan, ama farriin gaaban oo qoraal ah.

Daraasaddu waxa ay xaqiijisay in xitaa tiro kala badh ka badan oo dadkan tijaabada laga qaaday ka mid ahi ay qirteenba in xitaa miiska dushiisa ay ku cunaan cuntooyinka iyo cabbitaannada ay u baahdaan inta saacadaha shaqada ay ku jiraan. Taas oo keenta in qofku uu maalintii 9 saac ku qaato fadhi, oo weliba boqolkiiba 70 ka mid ah uu xafiiska joogo.

Xeeldheerayaashani waxa ay caddeeyeen in fadhiga dheeri uu saamayn taban ku leeyahay hawgudashada fiican ee shaqaalaha, taas oo ay sii dheertahay in uu keeno dhibaatooyin tiro badan oo dhinaca caafimaadka ah. daraasado kale oo isla fadhiga lagu samayeyna waxa ay caddeeyeen in fadhiga saacadaha badan ahi uu ka qayb qaato suurtogalnimada in qofka uu ku dhaco cudurka macaanku, sidoo kale waxa uu kor u qaadaa khatarta ah in qofkaas uu ku dhaco wadne xanuun