Shirkadaha Caanka Ah Ee SONY Iyo BlackBerry Oo La Filayo In Ay Ka Baxaan Suuqa Talefannada Gacanta

0
579

Picture7Washington (Geeska)- Xilligan oo dagaalka dhinaca samaynta talefannada casriga ah ee suuqyadu halkii ugu sarraysay abid marayo ayaa labada shirkadod ee SONY iyo BlackBerry ay ka fikirayaan sidii ay uga bixi lahaayeen suuqan dhammaadka sannadka soo socda, haddii aanay helin faa’idooyinka u qoondaysan in ay muddadaas gudaheeda ka sameeyaan talefannada gacanta.

War uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay oo lagu baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa agaasimaha fulinta ee shirkadda BlackBerry John Chen ka soo xigtay suurtogalnimada in shirkaddiisu ay ka baxdo suuqa samaynta talefannada gacanta, haddii aanu guulaysan isku dayga ay doonayso in ay ku soo ceshato macaamiisheedii igu dambayn dabayaaqada sannadka 2016ka.

Warka Agaasime John Chen waxaa ka horreeyey dhowr war-saxaafadeed oo agaasimaha fulinta ee shirkadda SONY Kaz Hirai uu ku sheegay in shirkaddu ay talefannadeeda casriga ah ee Xperia siinayso fursad ah illaa dhammaadka sannadka 2016ka, si ay u eegaan in uu muddadaas ku helo suuq ku filan in uu faa’ido sameeyo, haddii ay dhacdo in guud ahaanba qaybta talefannada gacanta ee shirkadda SONY aanay xaaladdeeda maaliyadeed fiicnaan inta ka horreysa dhammaadka sannadka 2016kana, ay ka fikir doonaan dhankii kale ee ay uga wareegi lahaayeen oo noqon kartaba in ay suuqa ka baxaan.

Tirokoobyo ay shirkaddu sannadkii hore samaysay ayaa muujiyey in SONY ay ku guulaysan weyday in ay suuq ku filan ka kasbato dalka Maraykanka iyada oo aanu iibkeeda talefannada gacanta ee woqooyi Ameerika dhaafin boqolkiiba hal keliya in uu ka noqdo talefannada sannadkaas la iibsaday, halka marka shirkadda dalkeeda oo Japan ah la eegana ay suuqa ka haysato boqolkiiba 17.5 keliya, laakiin agaasime Kaz Hirai meesha kama uu saarin rajada uu ka qabo in talefanka gacanta ee Xperia Z5 oo ah ka ugu casrisan ee shirkaddiisu soo saartay bishii hore uu suuq fiican heli doono faa’idadana ka soo bixi doonto sannadka soo socda, isaga oo taas uga qiyaas qaadanaya soo dhoweynta uu talefankani la kulmay tan iyo markii bishii hore lagu soo bandhigay Berlin. Dhinaca kalana agaasimaha BlackBerry ayaa isna niyad wanaag ka muujiyey in talefannadooda casriga ahi ay faa’ido heli doonaan, gaar ahaan marka ay hadda kadib u guuraan in talefannadoodu ku shaqeeyaan barnaamijka Android isla markaana qurxin dheeraad ah ku sameeyeen qaab-samayskiisa.