Hooyo Iyada Oo Facebook Ku Mashquulsan Ilmaheedii Qaraqmay Ayaa Xabsiga Loo Taxaabay

0
452

Picture8London (Geeska)- Hooyo Claire Barnett oo lagu eedeeyey dayacaad ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ay qoyskeeda ka fogaanayso ah, kadib markii iyada oo ku mashquulsan sheeko iyo sawirro ay facebook kula wadaagaysay saaxiibbadeed uu wiilkeedii oo laba sano jiray ay liqday barkad biyood ku taalla beerta gurigeeda.

Barnett oo deggen gobolka Yorkshire ee  England ayaa booliiska u sheegtay in markii ilmahu uu barkadda ku dhacay ay toban ilbidhiqsi gudahood ku soo carartay, laakiin nasiib darro ay ku guulaysan weyday in ay badbaadiso. Si kastaba ha ahaato ee booliiska ayaa ka shakiyey warka Barnett ay sheegtay, sidaa awgeed waxa ay sii wadeen baadhistii iyo maraan-markii hooyadan, sida uu ku waramayo wargeyska The Guardian ee ka soo baxa Ingiriiska oo Geeska Afrika soo xigtay, tallaabadaas booliisku qaaday ayaa aakhirkii keentay in hooyadan oo afar carruura oo kala aabo ah dhashay ay maxkamadda horteeda ka qirato eedda loo soo jeediyey ee dayacaadda ilmahan ahayd, balse waxa ay diidday in ay si ula kac ah ilmahan u dilaysay.

Barnett waxa ay sheegtay in markii uu shilkani dhacayey ay iyaduna talefanka ku hadlaysay, isla markaana ay dhinaca kale sawirro ugu diraysay bar-kulanka bulshada ee facebok, isla markii uu ilmuhu biyaha ku dhacayna ay 8 illaa toban daqiiqo gudahood ugu soo oroday, iskuna dayday in ay gurmad caafimaad oo degdeg ah u samaysay, laakin ay ku fashilantay.

Garsooraha dacwaddan qaadayey oo lagu magacaabo Jeremy Richardson ayaa isna caddeeyey in Joshua uu u dhintay dayacaad buuxda oo dhinaca labadiisa waalid ah, waxaana marag dheeraad ah arrintan ka noqday dad qaraabada ka mid ah oo maxkamadda u sheegay in hooyadani ay hore uga dhego adaygtay taladooda oo ahayd in barkaddan bedka ay ku fadhiidaa yahay 13 Mitir, meelaha qaarna jooggeedu hoos u qoan yahay qiyaas ah 50 Sentimitir ay afka ka daboosho haddii kale ay taar ku wareejiso si aanu ilmahan yari ugu dhicin.