Garsoore, Ciyaarta Dib Ugu Soo Celiyey Ciyaartooy Uu Kaadhka Cas Siiyey Oo Jooga Qolka Labbisashada

0
500

Picture6Brasilia (Geeska)- Garsoore dhex-dhexaadinayey ciyaar kubadda cagta dalka Brazil ka mid ah ayaa ciyaarta gudaheedii kaga noqday go’aan uu kaadhka cas ku siiyey mid ka mid ah ciyaartoyda kooxda kubadda cagta ee Palmeiras oo ciyaar ka mid ah wareegga naadiyada dalka Brazil ay iskaga hor yimaaddeen kooxda kale ee Chapecoense.

Ciyaartoy khadka dhexe uga ciyaarayey kooxda Kooxda Palmeiras ayaa xagga dambe kaga yimid ciyaartoy kooxda ka soo horjeedda ah si uu kubadda uga qaado ugana hortago in uu gaadho goolka oo aanay ciyaartoy difaac ahi joogin markaas, laakiin Siidhi-wadihii Ciyaarta ayaa ku afuufay dhaqsana kaadhka cas ugu taagay.

In kasta oo uu ciyaartoygani u hoggaansamay kaadhka cas oo inta uu ciyaartii ka baxay uu si toos ah u tegey qolka labbisashada si uu dharka isaga soo beddelo, haddana arrintani waxa ay u cuntami weyday ciyaartoygii kooxdiisa oo isla markiiba cabasho u gudbiyey garsooraha oo isaguna markii uu cabbaar dooddooda dhegeystay talo kula noqday gacan-yareyaasha garsoorka (Calan-wadeyaasha) oo iyaguna u sheegay in Kaadhkaas casi qalad ahaa, oo aanu ciyaartoygaasi wax lagu eryo samaynin.

Garsoorihii ayaa isla markiiba qaatay go’aan garoomada kubadda cagta ee dunida oo dhan ugub ku ah, kadib markii uu isla markiiba ka noqday kaadhkii casaa, ciyaartoygii uu eryeyna dib looga yeedhay qolka labbisashada si uu ciyaartiisa u sii wato.