Shirkad Sheegtay In Ay Samaysay Saacadda Gacanta Oo Qofka Xidhan Uga Faalinaysa Waxa Ku Soo Socda

0
748

Picture9Geneva (Geeska)- Shirkad laga leeyahay dalka Switzerland oo soo saarta saacadaha qaaliga ah ayaa shaaca ka qaadday, in kadib markii ay muddo la kaashanaysay faaliyeyaal u dhashay dalka India ay ku guulaysatay farsamaynta iyo soo saaridda saacado aad u heer sarreeya, isla markaana awood u leh in ay saadaaliyaan dhacdooyinka qof xidhan ku soo fool leh.

Afhayeen rasmi ah oo ku hadlayey magaca shirkadda Borgou oo ah shirkadda saacaddan samaysay ayaa sheegay in saacadddan cusubi ay leedahay dalool midabkiisu caddaan yahay oo ku dhex yaalla gudaha saacadda ee waqtiga laga eegto, kaas oo uu sheegay in midabkiisu isu beddelayo bunni marka qofka xidhan saacadda ay noloshiisa ku soo fool leeyihiin dhacdooyin xun-xun. Midabka cagaarka (Akhtar) uu godkaasi noqonayo marka qofka xidhan ay ku soo fool leeyihiin warar farxad leh iyo dhacdooyin raalli gelin doona.

Waxa ay shiraddani ku andacoonaysaa in saacaddan cusubi leedahay farsamooyin tiknoolajiyadeed iyo kuwo xidigis oo ka dhigaya in ay awooddo inay saadaaliso dhacdooyinka ku soo fool leh, iyada oo qofka xidhan siinaysa digniin muujinaysa in dhacdo farxad ama naxdin lihi soo dhowdahay. Shirkadda Borgou waxa ay sheegtay in tirada saacadahan ay ka soo saartay ay yihiin 500 oo kuwa dumarka ah iyo 150 kuwa ragga ah, taas oo qiimaha saacadda keliya lagu iibinayaana yahay 2500 oo doolarka Maraykanka ah. Masuuliyiinta shirkaddan ayaa sheegay in saacaddan faalisada ah ay illaa hadda soo dalbadeen dad tiro badan oo u badan dadka caanka ah iyo siyaasiyiin waaweyn oo ku nool dhammaan daafaha dunida.