Talooyin Waalidka U Fududaynaya In Ay Ilmahooda Ka Caawiyaan Waxbarashada (Q:2aad)

0
1004

Picture8Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xiganayey shabakadda Bawaaba News, ee ka hadlaysay dhowr arrimood oo ay khubarada waxbarashadu aaminsan yihiin in ay waalidka u fududayn doonaan in ay ilmahooda ka caawiyaan waxbarashada:

3. Talefishanka iyo Kombiyuutarka: Khubarada cilmi nafsigu waxa ay aaminsan yahay in u fiirsiga iyo fahamka ilmuhu lumaan marka uu maqlo ama deymoodo codka talefishanka ama kombiyuutarka, waxa aanu ku abuuraa nacayb uu u qabo duruus akhriska, sidaa awgeed waxa ay ku taliyaan in marka uu ilmuhu ku gudo jiro waqtiga uu duruusta qaybayo ama waajibaadkiisa dugsiga ka shaqaynayo, in la bakhtiiyo talefishanka, kombiyuutarka iyo aalad kasta oo lagu maararroobo.

4. Waqti nasasho: Marar badan daalka jidheed iyo ka nafsiga ahiba ay yihiin sababta ugu weyn ilmaha ka lumisa u fiirsiga, makaxdiisana baahisa, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in ilmuhu inta aanu samayn dib-u-eegis iyo akhris marka hore uu ilmaha siiyo waqti uu ka nasto daalkii waxbarasho ee maalintaas. Marka koowaad waa in ilmaha biyo aan qaboobayn loogu maydho marka uu dugsiga ka soo rawaxo, kadiba la seexiyo si uu u hurdo ugu yaraan hal saac oo nasasho ah, kadib marka uu soo tooso ee cunto fudud la siiyo, loo bilaabo waxbarashada iyada oo ay maskaxdiisu yara nasatay.

5. Ilmuhu naftiisa ha ku tiirsanaado: Ku dadaal in ilmahaagu uu isagu naftiisa uun la kaashado muraajacada iyo xafidista duruustiisa, waa in aanad caawin illaa uu isagu taas kaa codsado. Sidoo kale iska ilaali in aad waajibkii loo soo diray adigu uga shaqayso, waayo taasi waxa ay ku beeraysaa caajis iyo dayacaad uu mararka dambe iska dhayalsado waajibaadka loo soo diray, iyo in uu fahmi waayo qaabka looga shaqaynayo.

6. Ciqaab iyo abaal marin: Waalidku waa in uu maraa nidaamka ah in la abaal mariyo ilmaha mutaysto, sida ugu haboonna loo ciqaabo ka isna mutaysta. Si aad ilmahaaga ugu xiiso geliso waxbarashada iyo xafidista duruustiisa, iyo guud ahaanba in uu waxbarashada ku dadaalo, waxa aad ilmahaaga u sheegtaa in gaddii uu dhibco fiican keeno imtixaanka ama waxbarashadiisa ku fiicnaado aad siin doonto abaal marin uu ku farxayo, sidoo kale haddii uu duruustiisa ka adkaan waayana in la marin doono ciqaab, u dhiganta gaabiskiisa.

Laakiin ciqaabta waalidku waa in ay noqotaa mid naxariisi ku jirto oo aan dhibaato nafsi ah iyo mid jidheed ku keenayn, sidoo kale abaal marinta uu bixinayaa ha noqoto mid ilmuhu ku farxo oo waalidkuna uu oofiyo wacadkiisa oo ilmaha siiyo haddii uu mutaysto.

7. Talooyin kale oo muhiim ah: – Qol ku haboon in ilmaha wax loogu dhigo. Iska jir in ilmaha aad wax ugu dhex akhrido qolka hurdada ama sariirta dusheeda.

– In ilayska qolka uu ilmuhu wax ku dhiganayaa noqdo mid fiican oo aan naaqus ahayn ama iftiinkiisu aad u badnayn, waayo labadaas ilaysba waxa ay keenaan lulo badan oo ilmuhu uu hurdo u baahdo.

– Iska jir in aad ilmaha maalin keliya u soo wada muraajacayso duruusta uu dhigto oo dhan; maalinba maaddooyin gaar ah in loo muraajaceeyo, oo weliba maaddo kasta loo sii qaybiyo qaybo yar oo ilmuhu qaadi karo.

– Ilmaha wax sahlan ugu sheeg duruus akhriska, oo ha u muujin inaad aad isugu weynaynayso , si uu u fahmo in ay tahay arrin xiise iyo jacayl uun loo samaynayo oo aan qasab ahayn.

– Marka aad hal maaddo u mariso ama fahamsiiso, haddii mid kale aad ku daba darayso waa in uu ilmuhu qaato waqti yara nasasho ah oo maskaxdu mar kale dardar geliso firfircoonideeda, waxa aanay khubaradu sheegaan in Toban daqiiqo oo loo dhaxaysiiyo labada maaddo ay ku filan tahay.

– Iska jir canaanta badan iyo in aad ilmaha ku cadhooto marka uu wax qaldo, ogowna oo qaylada iyo cadhada badani ma’aha ciqaabta saxda ah ee ilmaha lagu abaal marin karo haddii uu waxba garan waayo, laakiin marka uu wax garto farxad badan iyo soo dhoweyn tus.

– Haddii aad aragto in ilmuhu aanu sidii loo baahna dhugmo ugu yeelanayn dersiga aad u marinayso, waxa aad siisaa 3 illaa 5 daqiiqo oo uu soo yara war-wareego, sidoo kale halka ama qolka aad ugu marinaysay duruusta ka guur oo meel kale u beddelo.

– Jadwalkiisa duruus u akhriska waxa aad ugu dartaa waqti yar oo maadays iyo qosol ah, si maskaxdu dib ugu firfircoonaato, sidoo kale waa in aad is ag dhigto buskud iyo caano ama sharaab kale oo ilmuhu marka uu cabbaar wax akhriyo ama qoro uu yara cuno.

–  Sida ugu fiican ee ilmaha wax loo bari karaa waa in aan loo laqimin wax kasta, balse marar badan la isku dayo in isaga loo siiyo awood uu kuugula doodi karo, kula falanqayn karo, kadibna maskaxdiisa inta aad tuujiso aad tusto in waxa aad u marinaysaa uu yahay waxaas uu isaguba sheegay ama ku sigtay in uu sheego.

– Iska jir in muddada muraajacadu ay ka badato 30 illaa 45 daqiiqo.