Wasaaradda Arrimaha Dibadu Maxay Ka Tidhi Baaqii Dagaalada Saax-Dheer?

0
833

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa dagaalkii ka dhacay magaalada Saax-dheer ee gobalka Sool ku tilmaantay natiijada ka dhalatay joogitaanka magaaladaas ee kooxda khaatumo. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda, ayaa lagu sheegay in kooxda Khaatumo doonayso inay kharbudaad iyo degenaansho la’aan ka abuurto gobalada bariga. “Cali Khaliif Galaydh iyo qaswadayaal kale oo maleeshiyaadka Khaatumo ah ayaa iska dhego mariyay isku dayo lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka jira wada hadal, waxaanay sii wadeen inay ka hawlgalaan gobalada Bari si ay  u wiiqaan degenaanshaha iyo nabadgelyada Somaliland ka jirta.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka, waxaanu intaas raaciyay in dawladda Somaliland haysato awood sharci oo ay ku ilaaliso degenaanshaha iyo amniga  iyo weliba ilaalinta muwaadiniiteeda. “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si cad u qeexday inay ka go’anatahay in wada hadal lagu xaliyo khilaafyada oo dhan waxaanay soo dhawaynayaa dhammaan fursadaha ee ah in wada hadal lagala shaqeeyo daneeyayaasha maxaliga ah iyo jaararkooda.” Ayaa lagu yidhi, waxaanu intaas raaciyay “Hase yeeshe maleeshiyaadka Khaatumo waxay doonayaan inay xaalad abuur sameeyaan, xasarado kiciyaan oo ay deegaano ka mid ah gobalka Sool ee bariga Somaliland ka abuuraan degenaansho la’aan, taas oo aanay dawladda Somaliland u dulqaadan doonin. Rabshadihii u dambeeyay ee Saax dheer waxay ahaayeen midhaha ka dhashay joogitaanka maleeshiyaadka khaatumo ee magaalada oo sababay xaalad abuur ka dhex jira dadka deegaanka.”

Ugu dambayn warsaxaafadeedka oo la hadlaya bulshada caalamka ayaa yidhi , “Waxaanu bulshada caalamka ugu baaqaynaa inay ka dalbadaan maleeshiyaadka Khaatumo iyo taageerayaashoodu inay joojiyaan ficil kasta oo ku keenaya xaalad abuur, degenaansho la’aan bulshada magaalada Saaxdheer ee bariga Somaliland. Bulshada, Somaliland iyo wadamada jaarku waxay wadaagaan danaha ilaalinta nabadgelyo iyo degenaanshaha taas oo ay Somaliland caan ku ahayd 23 sannadood.