Shirkad Kaa Iibinaysa Dhar Haddii Shaqada Lagaa Eryo, Lacagtaada Dib Laguugu Celinayo

0
781

Washington (Geeska)- Suuq geyn farsamadeedu sarayso oo lagu doonayo in kor loo qaado macaamiisha iibsiga, xilli dhaqaalaha dunidu guud ahaan iyo kan Maraykanku gaar ahaan meel xun marayo ayey noqotay markii meherado ganacsi oo ku yaalla gobolka Maryland ee dalka Maraykanku ay soo saareen damaanad bixin aan nooceeda hore loo arag oo ah in qof kasta oo shaqaale ah oo xarunta ama lamaha kala duwan ee meheraddan ka iibsada dhar loo celin doono lacagtiiisa,  haddii marka uu iibsado dharka shaqada laga eryo.

Meheraddan ganacsi ee dharka oo aad u weyn laamo badanna ku leh dalka Maraykanka oo dhan ayaa sheegtay in ay macaamiisheeda siinayso dammaanad qaad ah in qofka ka iibsada dhar ay siinayaan muddo haddii shaqada laga eryo uu ku soo noqon karo dukaankan si dib loogu celiyo lacagtiisii iyada oo aan weliba laga qaadayn dharka uu iibsaday. Jariiradda Epoch Times ee ka soo baxda gobolka Maryland ayaa qortay in masuulka shirkaddan oo ay wax weydiiyeen ku yidhi, "Waxa aanu fahansannay dareenka hubaal la'aanta ah ee qof walba haya.. waxa aanu aaminsannay in aanu nahay shirkadda dhar ee keliya ee macaamiisheeda fursad noocan ah siisay" shirkaddan ayaa dukaamadeeda kala duwan ku dhejisay boodh weyn oo ay ku qortay halku dhegga ah, “Iibso Isku joog aan is miidaamin ahayn… haddii aad shaqada weydo lacagta ayaanu kuu cleinaynaa"