Ciidanka Qaranka Oo Dhirbaaxo Ku Dhuftay Maleeshiyadka Cali Khaliif Oo Jid-gooyo Galay

0
655

Picture4Lascanod(Geeska)-Ciidanka qaranka Somaliland ayaa dhirbaaxo ku dhuftay koox ka tirsan maleeshiyaadka Cali Khaliif Galaydh, oo shalay jid-gooyo u galay ciidanka qaranka Somaliland ee ku teedsan deegaanada u dhexeeya Saax-dheer iyo daba-taagta.

Maleeshiyaadka jidgooyada u galay ciidanka qaranka, ayaa waxa laga qabtay saddex maxbuus, waxaana dagaalka kaga dhintay dhawr ka tirsan maleeshiyaadkooda, halka uu ciidanka qaranka ka dhintay hal askari.

Saddexda maxbuus ee laga soo qabtay maleeshiyaadka Cali Khaliif ayaa la keenay degmada Oog ee gobalka Sool, waxaanay tiradii maleeshiyaadka Cali Khaliif ka soo hadhay u yaaceen dhinaca hawdka deegaanka Saax-dheer.Maleeshiyaadka siyaasiga loo doortay Madaxweynaha Khaatumo ee Cali Khaliif, ayaa had iyo jeer deegaanadaas ka wada nabadgelyo darro, waxaanay inta badan jid-gooyo u galaan kolonyooyinka ciidanka qaranka ee jiidaas ku sugan.