“Waxa Lumay Hoggaankii Siyaasiga Ahaa Ee Dalka, Waxa Socda Oo Soo Ururay Xidhiidhkii Wanaagsanaa Ee Aynu Adduunka La Lahayn, Shan Sanno Ka Hor”

0
870

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Ibrahim Jaamac Rayte, ayaa ka digay in dib u dhac ku yimaado doorashada madaxtooyada, waxaanu sheegay in taasi dalka halis gelin doonto.

Xildhibaan Rayte, oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in hoggaankii dalku lumay hoggaankii siyaasiga ahaa ee wadanku. Xildhibaanku, wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Maanta dalkeenu waxa uu marayaa Marxalad aad u adag, waxa lumay Hogaankii Siyaasiga ahaa ee dalka, waxa socda marka dhan laga eego xidhiidhkii wanaagsanaa ee Somaliland ku caan baxday, ee aynu Adduunka la lahayn inuu soo ururay, Shan Sanno ka hor; waxa meesha ka baxday sumcadii Somaliland ay lahayd, oo walibana dad badani u doodayeen oo Caalamka ah, oo Barlamaanka Ingiriisku ka mid ahaa iyo Barlamaano kale oo Yurub ah, Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin, oo dhamantood qabay inay Somaliland xaq u leedahay in la ictiraafo, oo ay Dawlad noqoto, isla markaana Caalamka tustay inay is maamuli karto, Dimuqraadiyad dhistay, Xisbiyo Dimuqraadiya sameeysay,Doorasho Dimuqraadiya qabatay,Doorashadii Madaxtooyada si nabadgeliyo ah oo inta badan Afrika ka dhicin xilalkii la iskugu wareejiyey, waxaas oo dhan marka laga soo gudbo oo Wadamadii aynu cilaaqaadka la lahayn ay dib u gurasho sameeyeen, ayaa xitta  Dawladdii aynu jaarka ahayn ee Afrika ay naga shakiyeen, oo ay Xuduudihii ay inaga xidheen”.

Xildhibaan Rayte oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa intaas dheer in Saxaafaddii la cabudhinaayo, Xuquuqul Isaankii lagu tuntay, kala dambeyntii iyo Sharcigii oo lumay, amaankii dalka oo hoos u dhac balaadhani ku yimid, kadib markii ay meesha ka baxday hawlgalkii iyo tayadii Ciidamada oo ah dadkii loogu talagalay inay amaanka sugaan, intaas oo dhan waxa dheer oo dhibaato ka iman kartaa Doorashooyinkii wakhtiga lahaa in la carqaleeynayo,waayo sida uu heshiisku ahaa bishan soo socota kowdeeda, ayey ahayd in la bilaabo Diiwaangelinta Cod bixiyaayashu, hasayeeshe Xukuumadda ayaa ka cago jiidaysa, oo hor taagan inay Diiwaangelini dhacdo, iyada oo doonaysa in aanay Doorashaba dhicin, oo Doorashadu dib u dhacdo si loogu kordhiyo muddada, iyada oo ay caddahay inay Xukuumaddani ku fashilantay xilkeedii dastuuriga ahaa iyo wixii loo doortay , waxayna doonaysa inay si sharci daro ah ku korodhsato xilka, arintaasina waxa ay keenaysa  inay Sumcadii Somaliland hoos u dhigto, Ictiraafkii aynu sugaynayna uu sii fogaado, mugdina sii galo,dhanka kalan gudahana Nabadgeliyadii, Midnimadii iyo wada jirkii Umadda reer Somaliland ayaa helis galaysa, waanu ka digaynaa, Xuduudaha qaar ayaan la dhaafine, waxa aanu Xukuumadda uga digaynaa in aanay Xuduudaas dhaafin”.