Shirgudoonka Baarlamaanka Oo Maanta UDUB U Gudbinaya Maxsuulka Uga Soo Baxay Kulamadii Komishanka

1
663

 

udubHargaysa( Geeska )- Shir gudoonka labada gole ee Guurtida iyo wakiilada, ayaa maanta la filayaa inay kulan la qaataan masuuliyiinta xisbiga Udub, kulankaas oo l afilaayo in uu shirgudoonku ku siinaayo natiijada uga soo baxday  kulamadii ay la yeesheen komishanka iyo qaybaha kala duwan ee xisbiga Udub.

 

Shir gudoonka labada gole ayaa maalmahii la soo dhaafay kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan xisbiga Udub iyo komishanka doorashooyinka oo ay ka cabanayeen, waxaana natiijadan maanta la filayaa inuu dabo socdo kulamadaas oo uu shirgudoonku go’aano ka soo saari doono.

Masuuliyiinta xisbiga Udub ee dhawaan ay la kulmeen shirgudoonka labada gole ayaa ay kala hogaaminayaan Cali Maxamed Warancade oo ah musharaxii dhawaan uu xisbigaas  uu doortay iyo garab uu hoggaaminaayo Cismaan Cabdilaahi Cigaal ( Cismana Hindi ) oo ay iyaga shalay la kulmeen.

Cismaan Hindi oo markii uu kulanku shalay dhammaaday saxaafadda la hadlay ayaa  sheegay in xisbiga Udub aanay ku eedaynayn burburkiisa cidna, balse xisbiga Udub uu isagu gacntiisa isku burburiyay, waxaanu bulshaweynta Somaliland u soo jeediyay in loo istaago badbaadinta xisbiga udub oo ah mid facweyn,  dalkana ka soo qaatay dhisme muhiim ah.

Ugu danbaynta waxa maanta la filayaa inuu shirgudoonka labada gole uu soo gudbiyo natiijada uga soo baxday  kulamadaas ay la yeesheen dhinacyada kala duwan ee xisbiga Udub iyo Komishanka doorashooyinka.

Comments are closed.