Masuuliyiin Iyo Fanaan Magac Leh Oo Ka Baxsaday Dawladda Deegaanka Somalida Itoobiya Iyo Siraha Ay Gudbiyeen

0
696

 

 

Picture4Jigjiga(Geeska)-Agaasimihii warfaafinta ee dawlad deegaanka Somalida Itoobiya mr. Cabdillaahi Xuseen Xuseen Cali (Cakaara) iyo fanaanka caanka ah ee Cali Dhaanto, ayaa dhawaan ka baxsaday maamulka kililka shannaad ee Somalida Itoobiya.

 

Mr. Cabdillaahi-Cakaara, oo ahaa maareeyaha bogga internetka ee dawladda Somalida ee Cakaara News, sidoo kalena ahaa guddoomiyaha Federishanka ee dhallinyarada deegaanka Somalida Itoobiya, ayaa dhawaan si dhuumasho ah uga baxsaday magaalada Jigjiga, waxaana la sheegay inuu gaadhay dalka Kenya halkaas oo ay magangeliyo ku siisay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNHCR. Mr. Cabdillaahi, ayaa markii uu Kenya gaadhay wuxuu telefishanka dalka Sweden u gudbiyay dhukumentiyo sir ah oo uu duubay, kuwaas oo ay ka mid yihiin ciidamada loo yaqaan Liyuu Booliska oo dad shacab ah laynaya iyo qaabkii loo qabtay labadii saxafi ee u dhashay dalka Sweden, waxaanu sheegay inuu deegaanka Somalida Itoobiya ka baxsaday markii uu u adkaysan waayay xasuuq uu sheegay inay ciidamada Liyuu Boolisku ku hayaan dadka deegaankaas. Waxase uu baxsashadiisa ka hor ahaan jiray nin aad ugu dhow maamulka iyo Madaxweynaha deegaankaas, waxaana warbixinaha qaar ka dhex muuqda isagoo dhinac fadhiya Madaxweynaha deegaanka Somalida Itoobiya.

Mr. Cakaara warbixinaha uu telefishanka Sweden siiyay waxa ka mid ah ciidamada Liyuu Booliska oo xidhaya, islamarkaana garaacaya nin oday ah oo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar u gudbiyay dacwad ka dhan ah.

Warbixinahaas uu gudbiyay oo uu telefishanka Sweden toddobaadkan baahiyay waxay muujinayaan heerka ay xaaladda xuquuqda aadamuhu ka taagantahay deegaanadaas.

Geesta kale, fanaanka caanka ah ee Cali Dhaanto oo caan ku ah ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, ayaa dhawaan isna si dhuumasho ah kaga baxay magaalada Jigjiga, waxaana la sheegay inay isaga iyo xaaskiisu qarsoodi ku tageen dalka Kenya oo la sheegay inay iyagana hay’adda UNHCR ku qaabishay.

Duqii degmada jigjiga Mr. Cali Dheere, ayaa isna la sheegay inuu dalkaas ka fakaday, laakiin isaga weli lama xaqiijin. Waxase baxsashadooda si rasmi ah loo xaqiijiyay Mr. Cabdillaahi Cakaara iyo fanaanka Cali Dhaanto.