Madaxweynaha Iran Oo Beeniyey In Yuhuuda Xasuuq Loo Geystay Abid; Kana Hadlay Dilkii Osama

0
763

 

Picture2New York (HuffPost World)-Madaxweynaha dalka Iran, Maxamuud AxmedNajaad ayaa beeniyey in xasuuq loo geystay Yuhuuda dagaalkii labaad ee aduunka, isla markaana ka hadlay dilkii Osaama bin Laadin.

 

AxmedNajaad oo telefishanka CNN wareysi siiyey isniintii ku sheegay inaanu aaminsanay inaan Jarmalku wax xusuuq ah u geysay Yuhuuda dagaalkii labaad ee aduunka. "Dhacdo kastoo taariikhda dhacday ama aan dhicin anigu ma caddeyn karo. Sidaa u cadeyaa dhacdadaa in Yuhuuda la xasuuqay? Waxaan odhan lahaa khubarada iyo taariikhyahanadu baadhitaan madax banana ha ku sameeyaan jiritaanka dhacdadaa ," ayuu AxmedNajaad sheegay.

Madaxweynaha Iran ayaa imaatinkiisa Maraykanka oo shirkii guud ee Qaramada Midoobay ka dhacayo saxaafada u sheegay inaan Yuhuudu meel ku lahayn barriga dhexe, sida Iran oo dhulka adeganayd kumanaan sanno, laakiin Yuhuudu lix qarni keliya degenayd. "Wax xidido taariikheed ma laha. Ma soo geli karaan wareega Iran."

Wareysiga AxmedNajaad oo lagu weydiiyey siduu u arko filimkii Maraykanka lagu sameeyey iyo dhimashadii Osama bin Laden, ayaa sheegay in  "Iran dhaleecaynayso fal kastoo lagu weerarayo waxna u dhimaysa fikirka diinta ama dareenka cid kasta. Sidoo kale dilka Osama waxaan jeclaan lahaa in maxkamad furan la mariyo iyo baadhitaan madaxbanaan, isla markaana lagu baadho sababaha keenay dhacdooyinkii sannadihii u danbeeyey dhacay."

Madaxweynaha Iran ayaa ku eedeeyey xubnaha golaha amaanka inay afka ka xidheen “haysashada madaxyo nukliyeer dalka xaaraanta ah (Yuhuuda), halka dhinaca kale ku dedaalayaan xakamaynta horumarka cilmi ee wadamada kale."

AxmedNajaad oo la filayo inuu maanta ka hadlo fadhiga guud ee Qaramada Midoobay, ayaa xoghayaha Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon oo la kulamy u soo jeediyey inuu iska ilaaliyo hadalo kiciya colaad aan hadhin.

Ban Ki-moon aya au soo jeediyey "Iran inay qaadaan talaabooyin ay ku kasbadaan kalsoonidooda caalamka in barnaamijkooda nukliyeerku  yahay mid nabadgelyo," ayuu afhayeenka UN, Martin Nesirky sheegay.