Shir Ku Saabsan Dib U Habaynta Shaqaalaha Oo Hargeysa Shalay Ka Furmay

0
814

 

saylicHargaysa(Geeska) Waxa shalay ka furmay magaalada Hargaysa shirka dib u habaynta shaqaalaha dawlada, shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay haay’ada shaqaalaha dawalda socona doona muddo laba maalmooda, isla markaasina ay shaacisay hay’ada shaqaaluhu inay shirkani ka damacsan’yihiin in la’la jiheeyo shaqaalaha dawalda oo ay ka helaan shirkan fikrado iyo taageeraba.

Shirkan  ayaa waxa ka soo qayb galay madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Ciro, waiirka arimaha gudaha Maxamed Cabdi Gaboose, wasiirka maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirka gaashaan dhiga Axmed X. Cali Cadami, waiirka qorshaynta qaranka Sacad Cali Shire, wasiirka diinta iyo aw-qaafta Sh.Khaliil Cabdilaahi Axmed, wasiirka wasaarada isgaadhsiinta Axmed Xaashi oday, iyo inta badan agaasimayaasha iyo maareeyayaasha waaxaha dawlada ee kala duwan. Waxaana masuuliyiintaas xukumaada qaybaheeda kala duwan ka socday iyana shirkaas ku wahelinayay haay’do caalamiya.

Gudoomiyaha haay’ada shaqaalaha Muxumed Aw Cabdi oo ugu horayn shirkaasi ka hadalay ayaa waxa uu kawar bixiyay hawlaha u qabsoomay haay’ada shaqaalaha, iyo waxyaabaha ay haay’ada shaqaluhu damcsantahay inay hirgaliso, isla markaasna waxa uu ka codsaday in qaybaa kala duwan ee haay’adaha dawlada iyo deeq bixiyayaashaba inay hawshani balaadh gacan ka gaystaan hadaldiisiina waxa kamid ahaa

Sidoo kale madaxwayne ku xigeenka jamuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa isaguna waxa uu halkaasi ka soo jeediyay hadalo badan oo muujinaya sida ay xukumaadu  ugu heelantahay in la hagaajiyo adeegyada bulshada loo qabanayo isla markaana loo tayayn lahaa shaqaalaha dawlada. Sida oo kale waxa uu kawar bixiyay inay la tacalayaan dadbadan oo gaadhay da’dii hawl gabka isla markaana aanay u hayn xaqoodii hawlgabka beesha caalmakana waxa uu ka codasay inay taageero u fidiyaan hadaladiisiina waxa kamid ahaa “Xukuumadayadu waxay la tacaalaysaa dadbadan oo gaadhay da´dii hawl gabka kuwaas oo aan shaqayn karin mushaharkiina doonaya  si aan u ilaalino xuquuqda dadkeena waxaanu amar ku bixinay in dadkaa lasiiyo mushaharadoodii oo ay fadhiga ku qaataan maadaama oo ay qarankan usoo halgameen muddo badana usoo shaqaynayeen, inta xaqii hawlgabka loo helayo taasoo aanaan meel marin karayn beesha caalamka la´aanteed sidaa daraadeed anaga oo  og, qiraynana ilaa hada taageerada beesha caalamku ka gaysato kobcinta iyo taageerada ugana mahad celinayna  waxaanu hadana ku boorinaynaa inay ka qayb qaadashadooda kordhiyaan oo ay naga siiyaan taageero buuxda"

Shirkani waxa kale oo ka hadlay wasirka maaliyada Maxamed Xaashi oo si adag uga hadalay sida aanay shaqaalha dawladu u haysan daryeel ku filan, isla markaana ku eedeeyay in xukumaadii hore ay indhaa ka qabsadeen dhibta shaqaalaa haysatay, waxaau wasiir Maxamed Xaashi sheegay in shaqalaa loo kordhin doono mushaharka inta la gaadhsiinayo wax ku filan nolashooda.