Madaxweyne Siilaanyo Oo Madal Ay Madaxda Saddexda Xisbi Qaran Fadhiyeen Kaga Dhawaaqay Furista Ururada Iyo Dareenadii Ku Xeernaa

0
790

 

 

xisbiyada

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay golaha wakiilada u gudbiyay xeerka nidaamka ururada siyaasadda, maadaama oo ay guddigii ka soo tallo bixinta ururada loo xil saaray soo jeediyeen in ururada siyaasadda la furo, si ay u dhammaystiraan sharciyadoodii.

Madaxweyne Siilaanyo oo shalay hadal ka jeediyay munaasibad uu xadhiga kaga jaray dhismaha cusub ee golaha wakiilada, wuxuu golaha wakiilada u sheegay in rayi ururintii bulshadu noqotay in ururada siyaasdda la furo, “Waad ogaydeen intii mudo ahayd waxaa ina hor yiilay oo aan guddi u saaray oo ay dood badani ka taagnayd in la furo axsaabta iyo in aan la furin. “ ayuu yidhi Madaxweynuhu, wuxuuna intaas raaciyay, “Guddigii loo saaray waxay soo waraysatay shacabka, qiimayn fara badna iyo dadaal badan ayey galeen,  waxaanay soo jeediyeen in shacbigu doonayo in Asxaabtii la furro sidii dhaqanka ahayd go’aankaas axsaabta iyo wax ka bedelka lagu samaynayo xeerarka nidaamka Asxaabta waanan idiin soo gudbiyey Inshaalaah waxaan rajaynaa inaydun (Wakiilada) waajibkiina ka gudan doontaan.”

 

Madaxweynaha ayaa hadalkiisani wuxuu muujinayaa inuu qaatay taladii guddiga ka soo tallo bixinta ururada, islamarkaana uu golaha wakiilada ka doonayo inay dhammaystiraan sharciyadii ururada siyaasadda lagu furi lahaa, waxaana la filayaa inay golaha wakiiladu dood ka yeeshaan.

 

Markii uu Madaxweyne Siilaanyo golaha wakiilada ka dhex sheegay inuu u soo gudbiyay furista ururada siyaasadda, waxa madasha fadhiyay saddexda guddoomiye ee UCID Md. Faysal Cali Waraabe, KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo ku simaha guddoomiyaha UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, kuwaas oo dhagaysanayay khudbadii Madaxweynaha ee furista ururada siyaasadda, waxaanay wada fadhiyeen hal miis. Waxaanay wararku sheegayaan inaanay badankoodu ka warqabin in Madaxweynuhu ku dhawaaqayo go’aankaas.