“Inta Kaladhka Lay Qabtay Ayaa Layga Saaray Qolka VIP-da”

0
2750

 

 

dheegHargeysa (Geeska)- Xildhibaan ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa war baahinta u sheegay in si badheedha looga saaray qolka nasashada ee madaarka Hargeysa, ka hor intii aanu madaarka ka soo dagin madaxweynihii hore ee xukumada Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin.

 

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasin (Dheeg) ayaa sheegay in dibada looga saaray madaarka Hargeysa, isla markaana laga xidhay albaabka, isaga oo arrintaas ka hadlaya ayaa yidhi

“Aniga inta halkaas (kaladhka) la i qabtay ayaa la iga saaray VIP-da oo ilaa kadinka hore ee laga soo galo ayaa dib naloo waday. Wax kale maaha ee waxaa la rabaa in aynu gobol gobol u colawno, kadibna inaga oo col ah oo kala kooxo ah xamar tagno, arrintaas ka feejignaada. Madaxweynaha maanta (Shalay) halkaas laga xidhay caalamka oo dhan ayaa soo dhaweeyey, wadankiisiina waxaa lagu yidhi lagugu soo dhawyn maayo”

Xildhibaan Dheeg ayaa tusaale u soo qaatay madaxweynaha Somaliland xiligii uu mucaaridka ahaa qaabkii loo soo dhawayn jiray, waxaanu yidhi “Waxaan garanayaa madaxweynaha maanta dalka haysta iyada oo ilaa biriishka uu calanku is haysto isaga oo mucaarid ah, anaga kani (Rayaale) wuxuu nagula dar daaramay in aan la mucaarid dawlada si meel sare loo gaadho. Maantana wataas la leeyahay hadii aad xildhibaano iyo wasiiro ahaydeen sooma dhawayn kartaan, waxaa la igu yidhi waa digii sanadka ugu kordhan jiray kana hadii ay ka dhamaato waxaan leeyahay waan u kordhinayaa. Wadankana sidan lagu wado ha laga daayo oo dimuquraadiyadii yaan la dhaawicin”

Xildhibaanka ayaa xiligaas saxaafada codkiisa uga soo gudbiyey xandaybka lagu hor joogsaday, waxaana xiligaas ka muuqdan dareeno cadho ku dheehan tahay.