Sheekh Shariif Oo Sheegay Inaanay Joojin Dagaalada; Ilaa Ay Al-Shabaab Safeyaan

0
654

 

sheekhDarasalaam(Geeska)-Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’antahay baabi’inta Al Shabaab ilaa iyo dalka ay ka saarayaan. 

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Warbaahinta kula hadalayay isagoo ku sugan Magaalada Darussalam ee Caasimadda dalka Tanzania ayaa waxaa uu sheegay in dowladda ay ka go’antahay in guud ahaan dalka ay ka saarto Al Shabaab.

Sheekh Shariif ayaa waxaa uu sheegay in dowladda KMG ah aanay marna joojin doonin dagaallada ay kula jiraan Al Shabaab, wuxuuna tilmaamay in Ciidamada qalabka sida ee dowladda ay guulo isdaba joog ah ka gaadheen  dagaalladaasi.“ Ma joojin doono dagaallada aan kula jirno Al Shabaab, Ciidamadayadu  waxa ay awood u yeesheen in Magaalada Muqdisho ay ka saaraan Al Shabab, waana wadaynaa ololaha aan ku cidhibtirayno Shabaab” sidaasi waxaa yidh Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif oo kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Tanzania Jakaua Kikwete ayaa waxa ay ka wada hadaleen xaaladda amaan ee dalka Soomaaliya, waxaana dowladda Tanzania ay balan qaaday in dowladiisa  ka taageerayso qalabaynta ciidamada.