Hay’adda HAVOYOCO Oo Qabatay Kulan Ku Saabsan Daryeelka Carruurta

0
2433

 

hay'adaHargaysa (Geeska) Hay’ada wadaniga ah ee Havayoco ayaa soo abaabushay hawl maalmeed lagaga hadlayay xoojinta nidaamyada ilaalinta caruurta, iyo sidii inta badan hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayniba ee ka hawlgala arimaha caruurtu ay u wada yeelan lahaayeen wada shaqayn dhanka caruurta ah.

 

Hawl maalmeedkan waxa ka soo qayb galay wasaarada Waxbashada,wasaarada Caafimaadka,wasaarada Cadaalda, Wasaarada shaqada iyo arimha bulshada, ODHA,CRS, Save Chidren, Havayoco iyo hay’ado iyo ururo kale oo ku shaqo ku leh dhanka arimaha caruurta, hawl maalmeedkan oo furmay shalay ayaa waxa uu soo gabagaboobi doonaa maanta.

Haddaba intii aan la galin dooda ku saabsan arimaha caruurta waxa furitaankii ka hadlay agaasimaha fulinta ee hay’da wadaniga ah ee Havayoco Ismaaciil Maxamed Axmed, , waxaanu ka warbixiyay waxa uu kulankan ku saabsan yahay iyo hawlaha ay hay’ada Havayoco ka qabatay arimaha caruurtu marka ay yimaadaan waxana hadlkiisa kamida agaasimah “Arinta aynu halkan kaga hadli doono maanta iyo bariba waa arimaha carruurta, run ahaantii carruurtu waa qayb muhiima oo bulshada kamida, waa hogaankii bari wadanka hogaamin lahaa, caruurtu waa geed yar oo soo koraya geedka yari marka uu soo korayna waxa uu u baahn yahay ilaalin, daryeel iyo tacab faro badan in la galiyo. Waxaan rajaynayaa labadan maalmood in ay hawlaa laga wada hadalyaa ay noqonayaan hawlaa caruurta.” Sidoo kale agaasimaha fulinta ee hay’da wadaniga ah ee Havayoco Ismaciil Maxamed waxa uu ka waramay hawlaha ay ka qabtay hay’adoodu arimaha caruurta “Havayoco muddo faro badan bay hawshan dhanka caruurta ku soo jirtay, markii ugu horaysay ee aanu faraha la galnay waxa uu ahaa markii run ahaantii uu ururuku mudo kooban jiray, 1994 xiligaas oo aanu magaalada Hargaysa ilaa 70 caruura aanu ka uruurinay, ilaahay ayaa mahad leh ee maanta badankoodu waa lagu guulaystay oo kuwo shaqooyinka ku jira, kuwo wax barta iyo qaar qoysaskoodii dib loogu celiyay ayay caruurtaasi noqdeen. Waxaanay noqdeen kooxda kaliyaata ee lagu guulaystay 98% ( Boqolkiiba sideed iyo sagaashan). Sidaas oo kale caruurtu guri baa ay joogaan ama waa darbi jiif labdaba runtii in loo hawlgalo oo gacanta lagu qabto, oo la hago lana bar baariyo ayay u baahin yihiin.”

Waxa halkaas hadalo ku saabsan sababha loo soo abaabulay kulanka iyo waxyaabaha la doonayo inay ka soo baxaan ka yidh Mustafe Saleebaan Cilmi oo kamida masuuliyiinta hayada Havayoco.

Kulan hawleedkan lagaga hadlayay arimaha caruurta waxa maalgalisay hay’ada ilaaalinta caruurta ee Save Children waxana fulinayay hay’ada wadaniga ah ee Havayoco, sidoo kalena waxa ka soo xaadiray inta badan laamaha ka hawlgala ilaalinta iyo daryeelka caruurta ee ka jira guud ahaan Somaliland.