Raysalwasaaraha Turkiga Oo Sheegay Inuu Booqon Doono Goobaha Macalusha Somaliya

0
790

 

 

TurkyRaysalwasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdo?an, ayaa ku dhawaaqay inuu socdaal ku tagi doono goobaha ay abaaruhu aafeeyeen ee dalka Somaliya, isagoo ay weheliyaan qoyskiisa iyo wasiirka arrimaha dibadu.

Raysalwasaare Tayyip oo shalay hadal ka jeediyay shir uu xisbigiisu yeeshay, wuxuu bulshada caalamka ugu baaqay inay gacan ka gaystaan wax ka qabashada abaaraha iyo macaluusha Somaliya ka jirta, “Mee caalamkii iyadoo ay dad gaajo ugu dhimanayaan Somaliya. Boqolaal qof ayaa u dhimanaya gaajo iyo haraad.” Ayuu yidhi Raysalwasaaraha Turkigu, waxaanu intaas raaciyay in waxa Somaliya ka socdaa yihiin masiibo bini-aadminimo tii ugu xumayd.

Somaliya ayaa ku jirta xaalad xun oo abaareed iyo gaajo, waxaana soo badanaya gobalada ay ku sii fidayso abaartu, laakiin hay’ado ka tirsan Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamka ayaa gacan ka gaystay wax ka qabashada xaaladan.

Abaartan iyo macaluushan ayaa soo jiidatay dad badan oo bulshada caan ka ah sida xaaska Madaxweyne-xigeenka Maraykanka oo safar ku timid Xeryaha ay Kenya u samaysay dadka Somalida ah ee ay abaaruhu aafeeyeen.