“Haddaanu Nahay Ganacsatada Xoolaha Dhoofisa, Wax Cashuur Ah Oo Lanagu Kordhiyay Ma Jirto”

0
2353

 

ganacsadeHargaysa( Geeska )- Ganacsade Cabdilaahi Carab oo ka mid ah ganacsatada dalka,  ayaa meesha ka saaray inay  xukuumadu ganacsatada dhoofisa xoolaha nool ku kordhisay wax cashuur ah.

 

Waxaanu ganacsade Cabdilaahi Carab sheegay inay xukuumada iyo maxjarada  dalka u  socdaan wada hadalo ay xukuumadu ku doonayso inay maxjarada  kaga qaado 1.5 Dollar halka markii hore ay ka qaadi jirtay 0.5 Dolar neefkiiba. 

Waxa uu ganacsadahan u soo jeediyay xukuumada iyo madaxweynahaba inay halkaas doolar ee dheeraadka ah ee ay ka qaadayaan maxjarada  u duwaan dhanka horumarinta reer miyiga iyo xoolaha si loo ilaaliyo jiritaanka nolasha neefka.

Ganacsade Cabdilaahi Carab waxa uu sidan ku sheegay mar uu xalay nagu soo booqday xarunta Wargeyska Geeska Afrika waxaanu ugu danbayntii waraysigaas ku sheegay in maxjaradii  kor u qaadeen dhoofka xoolaha ee dalka. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay ganacsaduhu “ Waxaan idiin sheegayaa ilaa iyo imika haddaanu nahay ganacsatadii xoolaha dhoofin jirtay wax cashuur ah oo nalagu kordhiyay ma jirto, taas baanan idiin cadaynaynaa. Waxa jira maxjarada Somaliland iyo xukuumaddu inay ka wada hadlayaan lacagtii maxjaradu ay qaadan jireen oo ahayd 5.5 Dollar oo ay xukuumadu doonayso halkay markii hore 0.5 ka qaadan jirtay ay maanta doonayso inay 1.5 ka qaadato, markaas ma jiraan wax cashuur ah oo ay dawladu neefka ku kordhisay, cidda wada hadlaysaana waa dawlada iyo maxjarada, runtiina iyaga lafitigoodu meel xun islama marayaan.”

Ganacsade Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Anigu waxan qabaa neef keena nool waxa saaran culays ama lacagta maxjaradu  qaadayaan hanoqoto ama lacagta ay xukuumadu qaadayso ha noqoto, ninka ganacsadaha ahna marka uu xoolaha nool dhoofiyo maalintuu faa’ido badan is yidhahaado waad ka heshay waxa uu ka helaa hal doolar ama laba, waxa ay qaadaan maxjaradu 5.5 Dolar, xukuumaduna waxay neefka adhiga ah ka qaadaa 2.5 dolar, waxa laga yaabaa in lacagta kastamiska iyo dekeduna ay 2.5 dolar isku gaadhaan, waxaana neefkii dusha ka fuulaysa 10 Dollar, taas oo keenaysa in sayladii dunida ee aynu neefka gaynaynay aynu kula tartami kari weyno ama ninkii reer miyiga ahaa ee soo dhaqay ay ka go’naato.”

Ganacsadahani waxa uu u soo jeediyay xukuumada iyo madaxweynaha in neefka xoolaha ah iyo deegaanka oo ah lafdhabarta dhaqaale ee dalka in dhaqaale wax loogu qabanaayo dib loogu    celiyo “Neefka nooli waa laf dhabarta dhaqaalaheena, 70% dadka reer Somaliland waxay ku tiirsanyahiin dhaqaale ahaan xoolaha nool, iyada oo ay sidaas tahay ma  jirto cid daryeesha ama cid u soo jeeda, runtii wakhtigii hore dhirtaa u badbaadi jirtaye imika kayntiina dhuxulbaa laga shidayaa, anigu xukuumada iyo madaxweynaha maanta waxaan u soo jeedinayaa lacagtaas ay doonayaan inay maxjarada ka qaadaan, in aan waxii hore ee aynu ku bixin jirnay dakhliga xukuumada soo gala inuu ka duwanaado oo loo duwo xagga horumarinta miyiga ama neefka nool, si uu u noolaado ama  u ahaado mid sii jira, neefka nool iyo halka uu ka soo jeedo dawladihii kala danbeeyay ee Somaliland soo maray waxba umay qaban, markaas madaxweynaha si ay isagana taariikh ugu noqoto waxan u soo jeedinayaa in wax la taro neefka nool iyo halka uu ka soo jeedo.”

Ugu danbayntii waxa aan su’aalnay ganacsade Cabdilaahi Carab bal heerka uu maraayo dhoofka xooluhu wakhtigan, waxaanu ku jawaabay sidan “Wakhtigan xoolaheenu si fiican ayay u dhoofaan runtiina maxjarada la sameeyay wax weyn ayay inoo tareen, xoolaheena dhibta ugu weyn ee ay qabi jireen waxay ahayd in la soo celiyaa, maantana xoolaheena lama soo celiyo, runtiina si aan sidii hore ahayna way u dhoofaan oo anagu marka aan ganacsatada nahay ee aan xisaabtamayno waxaan nidhaahnaa waxa dhoofay sanadkii u danbeeyay  4 milyan  qiyaastii, 2 milyan oo xajka ah iyo 2 milyan oo bilaha kale oo dhan ah, kolkaas waa uu fiican yahay dhoofka xoolaheenu.”