Sheekh Aadan-Siiro Oo Xukuumadda Iyo Mucaaradka Baaq U Diray

0
512

Picture3Hargeysa(Geeska)-Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro), ayaa baaq ugu diray xukuumadda iyo mucaaradkeeda, isaga oo labada dhinacba ugu baaqay in la wada tashado dalkana loo tudho.

Sheekh Aadan Siiro waxa uu canbaareeyay dalka Angola oo bilaabay cabudhinta Diinta Islaamka, burburiyayna Masaajido dalkaas ku yaala,waxaanu sheegay in aanay ku soo kordhinayn Angola dunida waxaan colaad ahayn. Waxa uu sidan ku sheegay Sheekh Aadan Siiro khudbadii Jimcaha. Isaga oo ugu horayntii la hadlaaya xukuumadda iyo mucaaradkeeda waxa uu yidhi “Waxaas yar ee aad haysataan ilaashada oo wada tashada,xukuumaddana waxaanu leenahay odayaasha dhagaysta,oo nin wal oo murmaaya dhagaysta,oo maxaad haysaa ka soo rid dhaha, oo u yeedha nin walba ha nafiso,kuwa kalena waxaanu leenahay waar wakhti siiya waxan yar ee jira,meel cidlo ah ayaynu fadhinaa dadkuna waa uu wada hubaysan yahay.”

Intaas kadib waxa uu Sheekh Aadan Siiro canbaarayn u jeediyay dalka Angola,waxaanu isaga oo arintaas ka hadlaaya uu yidhi “Waxaynu canbaaraynaynaa Angola,waxaynu nahay dal islaam ah,Somaliland waa dhulkii nabada iyo iimaanka, waa dalalka u ololeeya in shareecada lagu dhaqo waddamada muslimiinta, tawxiidkaa ugu sareeya Somaliland,inagu waxaynu leenahay nimankaasi way gafeen,waana dal yar oo aan waxba ahayn misaajidadaan duminaynaa oo aanu xidhaynaana waxba ku soo kordhin maayaan,laakiin colaad aan loo baahnayan ayay abuurayaan,waa in aynu ogaanaa dunidu xagay  u guurayso,oo aynu waxeenaas yar ilaashanaa.”