Muqdisho: Weriyayaal Xidhan Oo Cuntada Ka Soomay

0
653

Picture2Muqdisho(Geeska)-Maammulaha idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya iyo weriye loo xidhay warka gabadh sheegtay in la kufsaday ayaa sheegay inay “cuntada ka soomeen”.

Gudoomiyaha idaacada shabelle, Cabdimalik Yusuf, waxaa uu la xidhan yahay weriye Maxamed Bashiir iyo Fadumo Cabdiqaadir, oo ah gabadha sheegtay in la kufsaday.

Saddexdan waxay ku xidhan yihiin xabsiga dhexe ee Muqdisho. Waxay xabsiga ku jiraan muddo toddobaad ku dhow haatan.

Waxay sheegayaan inay ka cabanayaan in dowladdu aanay tallaabo ka qaadin dadka lagu eedeeyay inay wax kufsadeen, halka iyagu la soo xidhay.

Weriye Maxamed Bashiir ayaa loo heystaa in uu wareystay Faadumo Cabdiqadir oo sheegtay in la kufsaday. Cabdimalik Yusuf waxaa loo haystaa in uu lahaa qalabka lagu qaaday wareysigaasi.

Gabadhan ayaa la sheegay in da’deedu tahay 19 sano jir. Waxay sheegtay in labo weriye oo hubaysan ay inta “dhafoorka xabad ka saareen ay kufsadeen”

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in baadhitaan socdo oo wax walba sharciga la waafajin doono. Qaramada Midoobay ayaa hore u codsatay in arrintan baaritaan deg deg ah lagu sameeyo.

Billawgii sanadkan ayaa sidan okale loo xidhay gabadh sheegtay in la kufsaday iyo welibo weriye warkeeda tebiyay.