Xukuumadda Oo Ka Aamusan Dagaalka Ay Puntland Ku Soo Qaaday Degmada Taleex Ee Sool

0
599

Picture1Taleex(Geeska)-Dhimashada iyo dhaawaca ka soo gaadhay shacbiga reer Taleex dagaalkii ay ciidamadda  Puntland ku qabsadeen magaaladaas ayaa isa soo taraaya.

Wararka magaaladaas ka soo baxaaya ayaa sheegaya in ku dhawaad toban qof ay dagaalkaas ku dhinteen, halka dhaawacuna aanu sida oo kale ka yarayn tobaneeye,waxaana magaaladda Laasacaanood la soo gaadhsiiyay 4 dhaawac ah oo mid ka mid ah oo dhaawac culus uu soo gaadhay loo soo qaaday dhanka Hargaysa.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Danjire Nicholas Kay, ayaa bartiisa twitterka ku muujiyay sida uu uga walaacsanyahay dagaalkaas.

Xukuumadda Somaliland ayaa dusha ka daawanaysa shacbiga reer Somaliland ee ku dhaqan magaaladda Taleex ee ay ciidamadda Puntland sida qasabka ah kula wareegeen. waxa ciidamadda Puntland ay Taleex kala wareegeen hogaanka Khaatumo oo isagu markii hore halkaas ku sugnaa. Sidan oo kale wakhtigii uu dhawr bilood ka hor Taleex booqashada ku yimid Cabdisamad Cali shire oo madaxweyne-xigeenka Puntland, sidan oo kale ayay xukuumadda Somaliland afka uga xidhatay.

Hogaanka Khaatumo Maxamed Jaamac Indhasheel oo isagu VOA la hadlay ayaa sheegay in Taleex laga saaray, isla markaasna dad badan magaaladda lagu laayay, ayna dagaalo rogaal celin ah qorshaynayaan. Waxaanu Indhasheel isaga oo arintaas ka hadlaaya uu yidhi “Shalay Subaxnimadii (Doraad) anaga oo isku diyaarinayna inaan shacabka la hadalno ayaa uu dagaal na qabsaday,guryahii iyo shacabkiiba waxa la’la dhacay madaafiic, waxa intaas dheer xasuuq shacabka ah haddii ciiddamo dagaalamaan cid uunbay guushu raacdaa,laakiin dhaqanka Islaamka iyo ka Soomaalida iyo ta aadamahaba way ka baxsantahay in shacabka caadiga ah toos guryaha loogu tago oo loo yeedho oo madax laga toogto.”

Indhasheel oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Magaalada Taleex kuma sugni hada aniga iyo ciidamadaydu ee meel u dhaw oo aan ka fogayn ayaan ku sugnahay oo ciidamadda Puntland ayaa ku sugan oo waa run,gardaro ayay ku qabsadeen oo duulaankii ay ku soo qaadeen ee ay dadka ku xansuuqeen ayay ku qabsadeen,ilaaladii madaxtooyada ayaa meesha ku soo duulay oo qabsaday khaas ahaan.shacabka lalaayay 12 ayaanu dhimashadooda maqalnay 15 dhaawac ah oo dadkii magaaladda deganaa ah,maantaa la aasay,dhinac kale waxa gaadhay uma war hayo oo iyagaad waraysan.”

Mid ka mid ah dhaawacyada la soo gaadhsiiyay magaaladda Laasacaanood oo warbaahinta la hadlay ayaa isaguna  sidan ku waramay “Anaga oo sadex nin oo culimo ah oo meel fadhina waxa magaaladda soo galay ciidan faro badan,kadibana waxaad moodo sida roobka oo kale oo rasaas ah oo magaaladda oogadeediina caseeyay ayaa nalagu sii daayay,oo aan kala sooc iyo naxariis caruur iyo maati toona lahayn.Waxay xabadu igaga dhacday bawdada, laakiin laftu ma jabne muruqay la baxday,Kalidana way igaga taalaa, laakiin korbay iyadana ka martay, dhabarkana firidhkii rasaasta ayaa igaga taala.”

Magaaladda Taleex oo ah mid taariikh weyn ku leh dhulka Somaliland,ayaa midooyinkii danbe uu ka socday qas siyaasadeed, kadib markii shir magaaladaas ka dhacay lagu aasaasay Khaatumo State, oo sheegtay inay ka madaxbanaantahay Somaliland oo ay magaaladaasi ku taalo.