Shaybaadh U Gaar Ah Baadhista Cuntada Uu Cunayo Madaxweyne Erdogan Oo Laga Furay Dalka Turkiga

0
532

Picture3Ankara (Geeska)- Dhakhtarta gaarka ah ee madaxweynaha dalka ayaa sheegay in dowladda dalkaasi ay abuurtay nidaam cusub oo loogu talagalay in uu khatarta sumaynta ka ilaaliyo hoggaamiyaha dalkaas. Dhakhtarkan oo u waramay wargeyska Xorriyat oo ka soo baxa dalka Turkiga ayaa sheegay in qasriga aadka u weyn ee dhowaan loo dhisay dalkaas ay ku jirto qayb shaybaadh ah oo loogu talagalay in lagu baadho cuntada madaxweynaha. Dr. Jawdat Ardool oo sidoo kalana ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Cadaaladda iyo horumarinta ee madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa waraysigiisan ku yidhi, “Weerarrada imika dunida la isku qaadaa ma’aha hub iyo rasaas, balse waa dagaal la isu soo marinayo dhinaca cuntada”

Xildhibaankan ah dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray in shaybaadhkan cusub ay shaqadiisu tahay in uu ka hortago weerar kasta oo loo adeegsanayo sun, Kiimiko, Bayooloji ama Shucuuc iyo Fallaadhaha Laysarka loo adeegsanayo oo lala beegsanayo iyada oo lagu soo dhex darayo cuntada ama cabbitaanka madaxweyne Erdogan, laakiin Dhakhtarku waxa uu xaqiijiyey in illaa hadda aanu dhicin weerar noocaas ahi. Xarunta shaybaadh ee loogu talagalay in ay baadho cuntada iyo cabbitaanka madaxweynaha dalka Turkiga ee 61 jirka ah waxaa ka hawlgala Shan dhakhtar oo ku kaltama shaqada xarunta oo 24ka saac furani.