Eng. Maxamed Xaashi Oo Ka Hadlay Kala Fogaanshaha Madaxweyne Siilaanyo & Cabdicasiis Samaale Iyo Isku Shaandhayntii U Dambaysay Ee Madaxweynuhu Sameeyay

0
487

Picture2Hargeya (Geska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda aaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi, oo hadda ka mid ah Madasha Wada-tashiga Somaliland, isla markaana ka tirsan Siyaasiyiinta Somaliland, ayaa sheegay in markii uu isagu la wareegay xilka Wasaaradda Maaliyada uu  yimid khasnad madhan, oo aanay waxba ku jirin iyo dayn xad dhaaf ah, waxaanu ka hadlay isku dhaca dhex maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Cabdicasiis Samaale.

Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isaga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale  sheegay in Xisbiga Kulmiye uu dacaayad ka fidiyo Madaxweynaha, isla markaana ay yidhaahdaan Madaxweynuhu ma taliyo, waxa kale oo uu ka hadlay qodobo ay ka mid yihiin isku shandhayntii Madaxweynaha ee uu ku sameeyey Wasiiradiisa. Ugu horayn wuxuu Maxamed Xaashi yidhi  “Kolka la yidhaahdo Misaaniyadii ayaa korodhay waa horumar, laakiin su’aashu waxa ay tahay Run ma laga wada sheegayaa, waxa jira Cashuuro la kordhiyey, oo ah wax dadkii iyo dalkii la saarayo, waxa kale oo jira wax badan oo misaaniyadihii hore ku jiri jirin ku jireen in lagu daray Cashuuraha sida Dawladda hoose, iyo waxba noocaas ah, wax ha la kordhiyo waa kheyr”.

Eng: Maxamed Xaashi Cilmi ayaa mar uu ka hadlayey markii uu xilka Wasiirka Maaliyadda uu ku wareejiyey Cabdicasiis Samaale yidhi “Wax habaysan ayuu dhaxlay Wasiirkii hore [Samaale], oo aan dayn lagu lahayn, waxa aan anigu dhaxlay Khasnad madhan iyo dayn fara badan, iyo nidaam kala filaqsan, meel madhan ayaan ka soo bilaabay, isagu dhibaatadaas muu soo marin, Cashuuraha inuu kordhiyana meesha wey ku jirtay, in Cashuurta la kordhiyaana mar walba wey  tahay, oo Cashuurta markaas hore la qaadi jiray wax badan ba may ahayn, oo 47-milyan ayey gaadhaysay, sidan loo buunbuuninayo  inay u korodhayna si sax ah maaha, waxa se ka sii muhiimsan korodhaye maxa lagu qabtay, Shaqaalihii waxba looma kordhin”.

Maxmed Xaashi Cilmi oo ka hadlay qorshihiisa haddii uu sii ahaan lahaa Wasiirka Maaliyadda ayaa yidhi “Aniga qorshahaygu waxa uu ahaa in 2015 boqolkiiba boqol (100%), in aan kordhiyo, sidii aan hore u sheegayna in aan Sannadkii 2012 aan kordhiyo 30%, Sannadkii 2013 aan kordhiyo 25% Sannadkii 2014 aan kordhiyo 25% Sannadkan 2015 aan kordhiyo 20%.

kolkaas waxa ay ahayd in Shaqaalaha iyo Ciidanka dalka la daryeelo, waayo waxa ay qaataan kuma filna waxa ay qaataan kuma filna, waxayna ka go’antahay shaqada dalka, Hawlaha dalka iyo tayada dalka, marka Shaqaaluhu aanu qaadan wax ku filan, hawl-gabna ma laha, hawl-gabkana markaas ayaanu bilawnay, oo aanu Lacagtii siinay, waxa meesha waxa se jira Hay’addo Qaran oo meesha ka maqan daba-galna sameeyn lahaa , Hanti dhawrkii ma shaqeeyo, Xeer ilaaliyihii ma shaqeeyo, hawshiisina ma hayo, Barlamaankii waxa ay leeyihiin duuduub ayaanu ku ansixinayaa Misaaniyada, duuduubkuna wax sharciya oo meelna ku qoran maaha,muddo kordhin meel ku qorani ma jirto, sababihii loo kordhin lahaana inamay soo marin,  markaas waxa aad mooda in la fasaxay musuq-maasuqii, waxaas ayaa la kordhiyey arintu kuma eeka ee maxa faa’iido ah ee laga hayaa, ,maxaa lagu qabtay ayaa muhiim ah”. Eng: Maxamed Xaashi CIlmi oo ayaa mar uu ka hadlaayey Xisbiga Kulmiye  yidhi “Loolanka Xsbiga Kulmiye guddihiisa wax badan oo soo dhaafayn ayaa jira, waa Xisbi guddihisa ka khaldan iyo Madaxtooyo guddaheedii ka khaldan, ayaa Maanta dalka ka taliya, markaas yididiiladii la filaayey meesha kama muuqato”. Maxamed Xaashi ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko Munaasibadii u dambaysay ee uu xisbiga KULMIYE qabsaday ayaa yidhi  “Inaga ilaa imika wixii ina soo maray Ninka Madaxweynaha ah, waxa uu qabaa inuu isagu Hantida Qaranka leeyahay, sida uu doonana ugu takrifalayo, waxa kale oo uu qabaa inuu Sharciga ka sareeyo, waxa kale oo ay qabaan in ciddii iyaga la rayi ahayn in cadaawad ku tahay, raygigooda cidii keenta rayi ka duwan waxa ay qabaan inay cadaw u yihiin, kolkaas wixiisi wax ka soo qaad ma leh, oo waa dadkaas u arkay rayiga ka duwan rayigooda inay cadaw yahay, oo in taladda lala leeyahay, dalka lala leeyahay oo wax lagu kordhin karo, ma qabaan, waana nasiib darada meesha taala”.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ka hadlay arin aan mar hore aan ka hadlay oo ahayd Madaxweynihii hore waxa uu qaadanaayey 36 kun  oo dollar bishii, mishiinka Keliyuhuna  waxa uu u fadhiyaa 45-kun oo dollar, markaas in uu 45-kun aniga iyo Siillaanyo noo nisbeeyo may ahayne ee anagu kuwa haagjiyey ayaanu ahayn inuu intaas garto ayey ahayd, waxaad se mooda in marka la yidhaahdo hebel ayaa sidaas yidhi inay la soo boodayaan, anigu Siilaanyo kamaan hadlayeyn, anigaana maamulkaas ka mid ahaa, kiciyeyna Mishinka Kelyaha, libtana waxa leh markaas Maamulka jooga, inuu sidaas u fahmo may ahayne waxa ka qasan itijaahii, wuxuun ayey isku xidheen, waxooga waxa ka duwana waa u col”

Maxamed Xaashi isaga oo ka hadlay Madaxweynaha iyo XIsbiga Kulmiye ayaa yidhi “Madaxweynaha waxa baabinayaa Xisbigiisa, iyagaana is haysta Madaxtooyada, Madaxweynuhu isaga ayaa yidhi  aniga ayaa Musharax ah, markaas inay iyagu is haystaan oo ay isku haystaan Musharaxnimada may ahayn, markaas iyaga ayey ka soo burqanayaan hadalo ah ama ujeedo ah Madaxweynuhu isagu xilkii ma hayo, markaas ayey kooxo kooxo yihiin, midba qaar ayuu wataa, ficiltankaas dhexdooda ayaa Madaxweynihii dadkii ka dhaadhicinaya in aanu Madaxweynihii xil haynin, kolka aad gaar ula sheekaystana qarin mayaanba, kolkaas waa nasiib darada meesha taala”.

Maxamed Xaashi Cilmi mar uu ka hadlaayey balanqaadkii Madaxweynaha ee Doorashada ayaa yidhi “Madaxweynuhu waxa uu yidhi Maalin ku dari maayo wakhtiga Doorashada, waxa ay ahayd inuu xisaabtanka galo oo wakhtigeedii ma ku magacaabay Komishanka, Lacagtii Komishanka ku shaqeeyn lahaa wakhtigeedii ma la siiya, waxyaabo badan oo dhiman oo qofku ku ogaanayo in aanu kaga gaadhsiinayn  muddada ayaa Maanta soo waajahay, kolkaas Maanta waxa ay wadaan Komishanka ayaa kordhinaya, Komishanku waxba ma kordhiyo, ee muddada uu wax kaga gaadhsiin karo ayuu sameeya,  haddii hore loo soo dhigi lahaana sidaas ayuu u dhamaystiri lahaa, ee waa hawl ay iyagu ka seexdeen, ayey imika Komishanka ku gabanayaan, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu yidhi anagu shaqo kuma nihin, oo anagu hawshayadii waanu dhammaynay, iyaga ayaa Xukunka iyo taladda haya, iyaga ayey ahayd inay barnaamuj ay ku shaqeeyaan ay sameeyaan, Nimankan Maanta xilka hayaa Niman xil ka soo bixi kara maaha, Doorasho niman qaban karana maaha, Doorasho qudha ayey qabteen, Doorashadiina waa lagu jabay, markaas Doorasho kale laguma halayn  karo”.

Maxamed Xaashi mar uu ka hadlaayey Barlamaanka wuxuu yidhi  “Xubno Barlamaanka ah  ayaa odhanaya maxa la hayaa, Sharci ayaa lagu kala baxaa, oo xoog xoog maaha, Ciidamadana dadka kama xigtaan, Booliska dadka kama xigtaan, ee waxa weeye Sharcigii ma la raacaya oo ma lagu dhaqmayaa, ee Barlamaanku inuu Sharciga raaco weeye, oo xubin Barlaamanka ka mid ahi inuu ka hadlo maaha waxyaabaha qaar, Sharci ayaa lagu kala baxayaa, Sharcigiina waad buriseen, intiisi badnaydna waad buriseen, dalkiina ma xukumi kartaan, ha la tashado oo dadku ha isku yimaado waa talada badbaadada qaranku ku jiro, balse Niman yar yar oo aad mooda in aanay dalka aanay joogin ayaa waxa ay odhanayaan Mucaaradku muxuu hayaa muxuu naga qaadi karaa,maaha xoog xoog arintuye waa sharci,ee inay Xukuumaddu sharciga raacdo waa waxa loo doortay lagana filayo, ee hadday ka baxaan dadku waxba ku fali maayo iyaga iyo Madaxdoodaba”

Maxamed Xaashi mar aanu wax ka weydiinay isku shandhayntii ugu dambaysay ee Madaxweynuhu sameeyey oo ay dadka qaar dhaliilayaan wuxuu yidhi  “Wasiirku waa Siyaasi, hawsha waxa qabta Agaasimaha guud, Wasiirku ma isticmaali karaa dadkan meesha u joogay, ee ka shaqeeynayey ee khibrad u leh,  waxa ay ku xidhan tahay Wasiirka iyo kartidiisa, aniguba Dhaqaalaha kamaan shaqeeyn jirin injineer ayaan ahaa, laakiin intan oo Wasiir ah looma baahna, 17-wasiir wax ka badan looma baahna, 17-wasaaraddoodna wax ka badan looma baahna ,Wasiirul dawlayaal iyo Wasiiro ku xigeeno looma baahnaa, Agaasimaha ayaa ku filan, Xafiisna ka heli maysid,Xukuumaddana Xukuumad laguma fasiri karo ee waa jaantaan rogan”.

Maxamed Xaashi mar aanu wax ka weydiinay khilaafka soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Cabdicasiis Samaale ayaa yidhi “In dan shakhsiya galnaa ma fiicna, balse kolkii hore iyaga ayaa is watay, iyaga ayaa isku ugaadhsanaayey, iyagii ayaa is khilaafay, waxaanad ka soo qadaa in Rasuulku SCW  yidhi Ninkii u gargaara Nin daalin ah ILLAAHAY ayaa isaga ku salida, kolkaas hadalka uu Wasiirku [Samaale] sheegayna muu qurux badnayn sida uu u hadlayna may qurux badnayn, qotiduna waxa ay tidhaahda abaalkaa ayaa ku helay”.

Maxamed Xaashi oo ugu dambayntii ka hadlaayey wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee burburay ayaa yidhi “Aniga iyo Nimco Qawdhan waxa aanu ahayn labadii qof ee diiday markii horeba markii la tagayay Shirkii Londnon, waynu kala baxnay Somaliya, wax hadal ah oo ina dhex mari karaana ma jiro, ee haddii meeshii lacag lagu sheegaba la yidhaahdo Lacag ayeynu u doonano, waa dhib, waxaanad mooda in imaankii ay wax inagaga dhaceen, kala go’a ayaa fiican, in shirkaasi burburna waa loo baahnaa”