Dhacdooyink Iyo Arrimo Dunida Qarniyo Ka Jiray Oo Fahamkoodu Hal-Xidhaale Ku Noqday Baadhayaasha

0
529

Picture4Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Shannaad ee taxanihii uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey qaar ka mid ah siraha ay aadamuhu furfuri kari waayeen ama dhacdooyinka soo maray adduunkan oo aynu ku magacaabi karno in ay yihin hal-xidhaalayaal maskaxda aadamaha dawakhiyey, waxa aanay yihiin:

Bahalka Harada Loch Ness (Lookh Niis)

Waxaa jira xayawaan luqun dheer oo marar badan lagu arko isaga oo dhex socda harada Loch Ness laakiin aanay culimada cilmiga xayawaanku illaa hadda cilmi ahaan u caddayn. Xayawaankan oo sawirkan ka muuqda ayaa ay saynisyahannadu sheegeen in uu u eeg yahay ama uu la qoys yahay xawayaan biyo-ku-nool ahaa oo qarniyo ka hor dabargo’ay. Xayawaankaas oo afka qalaad lagu odhan jiray plesiosaurs waxa uu aad ugu ekaa diin badheedka.

Xayawaankan waxaa hadda loo yaqaannaa Loch Ness Monster oo Afsoomaali ahaan ku odhan karno, bahalka harada Loch Ness, sida muuqatana waxaa loogu magac daray haradan Loch Ness oo ah halka keliya ee lagu arkay dunida oo dhan.Picture5

Xayawaankan waxaa lagu tiriyaa hal-xidhaalayaasha ugu adag ee soo waajahday cilmibaadhisaha la xidhiidha xayawaanka, sidoo kale waa xayawaanka ugu caansan xayawaannada araggooda la sheego laakiin aan cilmi ahaan weli si rasmi ah loo sugin. Loch Ness Monster waxaa markii ugu horreysay indhaha dunidu ku soo jeedsatay sannadkii 1933kii oo ah marka sawirradiisii ugu horreeyey la faafiyey, illaa imikana waxaa la xaqiijinayaa in xayawaankan la arkay in ka badan 5 Kun oo jeer oo dad kala duwan ah. si kastaba ha ahaato ee weli saynisyahannadu waa ay ka shakisan yihiin jiritaanka dhabta ah ee xayawaankan. Harada Loch Ness waa haro biyo macaan oo ku taalla buuraleyda dalka Scotland, ballaceeduna waxa uu gaadhayaa 56.4 Kiloomitir laba jibbaaran ah.

Nazca Line: Xariijimaha Nazca oo ah farshaxan ku dul xardhan dhadhaabo ku yaalla deegaan dhaca dhinaca Koonfureed ee jamhuuriyadda Peru oo ku taalla Koonfurta Qaaradda Ameerika. Xaradhkan oo ay khubarada tixraaca aataartu ay ku sheegeen in ay jireen in ka badan 2000 oo sano ayaa ay haayadda Qaramada Midoobey ee UNESCO sannadkii 1994kii u aqoonsatay in ay ataar caalamiya.

Arrinta yaabka lihi ma’aha xaradhankani sida uu u dhigan yahay oo keliya, balse waxa kale oo ay saynisyahannadu furfuri kari waayeen sida ay 2 kun oo sano ka hor u suurtogashay in la sameeyo xaradhkan oo midka keliyi ku fadhiyo dhul aad u baaxad weyn oo gaadhayaa illaa 250 mitir iyada oo la og yahay in aanay jirin diyaarado iyo dayaxgaccmeedyo arrintaas ka caawiya farshaxankii xilligaas noolaa. Waxaa la aaminsan yahay in xaradhkani uu u taagan yahay arrimo diineed oo xilligaas jiray. Cimilada deegaankan ayaana suurtogelisay in aanu xaradhkani muddada intaas le’eg tirtirmin. Xaradhkani waa sawirrada xayawaanno ay ka mid yihiin, daanyeerro, ey, caaro iyo shimbirka biyo ku noolka ah ee Boolo. La soco…