Shaqooyin Hoose Oo Sagaal Madaxweyne Oo Maraykan Ahi Soo Mareen Xilka Ka Hor (Qaybta1aad)

0
559

Picture1Hargeysa (Geeska)- Madaxda dunida soo martay sida dadka caadiga ahba waxa ay leeyihiin taariikho kala duwan oo mid kastaa uu duruufihiisa iyo waayihiisa nololeed leeyahay, ladnaan badan, iyo baahi aanay mararka qaarkood quutal daruuriga haysan, rag hidde u lahaa talada oo awoow-ka-awoow soo talinayey iyo doc ka fuul xoog iyo xeelad mid uu adeegsadayba goor lama filaan ah uun talada qabtay.

Laakiin sida inta badan dhacda marka ay maskadu ka fikirto taariikhda uu ruuxu soo maray inta badan waxa ay samaysaa qalad ah in ay ku qiimayso heerka uu hadda joogo, oo tusaale ahaan waxaa dhacaysa in qofku marka uu madaxweyne arko ama ruux maalqabeen ah arko ee uu ka fikiro taariikhdiisa hore waxa ugu dhaqsaha badan ee maskaxdiisa ku soo dhacayaa waa in qofkani uu marka horeba dadka caadiga ah ka sarreeyey ama ku soo koray nolol barwaaqo. Waa fikir qaldan waxaana taariikhda ku cad in tobannaan ka mid ah hoggaamiyeyaasha caanka ka noqday dunidu qarniyadii ay jirtay ay soo mareen duruufo oo dhaqaale iyo xaalado nololeed oo aad u qallafsan.

Wargeyska Geeska Afrika oo mar kasta u heellan in uu aqoon korodhsi la wadaago akhristayaashiisu waxa uu qormadan ku soo qaadan doonaa 9 ka mid ah madaxweynayaashii soo maray dalka Maraykanka oo dabcan ah dalka dunida ugu qaninsan uguna xoogga weyn oo noloshoodii carruurnimo iyo xilliyadii caannimada ka horreysay soo maray shaqooyin qallafsan oo marka imika magacooda la xasuusto aan maskaxda ku soo degdegeyn.

1. Barak Obama:

Obama waxa uu soo maray shaqo hoose oo aad u qallafsanayd, mararka qaarkoodna ahaydba shaqada nooceedu ugu mushaharka yar yahay dalka Maraykanka oo dhan. Waxa uu ka shaqayn jiray dukaan lagu iibiyo jallaatada oo uu ka ahaa gacanyaraha sita malqaacadda birta ah ee qofka dalbada uga soo jara weelalka kala duwan ee jallaatuhu ku jiro si uu koobka ugu rido, kadibna u siiyo qofka iibsaday.

Madaxweyne Obama ayaa dhowaan mar uu majallad siiyey waxa uu sheegay in afartii shaqo ee ugu horreeyey ee uu noloshiisa qabtay la siin jiray mushaharka ugu yar ee maraykanka la bixiyo ama wax aad ugu dhow. Dukaanka Iskiriinka sameeya ee Baskin-Robbins ka sokow, waxa uu noqday rinjiile, waxa kale oo uu mar maqaaxi ka ahaa gacanyare miisaska hagaajiya, kana soo qaada weelka iyo qalabka kale ee la isticmaalay, mudalab. Waqti xagaa ahaa oo uu xilligaas fasaxa shaqo uga faa’idaysanayeyna waxa uu shaqaale nadaafadeed ka noqday guryo laga dhisayey magaalada New York. Xilliyada uu Obama shaqadan qabanayey waxa uu ku jiray jaamacadda Columbia University.