Waraysi Gaar Ah: Wasiir Abiib Timacad Oo Geeska Afrika Uga Waramay Sababaha Is Casilaadiisa, Farriina U Diray Madaxweyne Siilaanyo

0
514

abiib-Timacad1Hargeysa(Geeska):-Wasiirkii wasaarada warshadaha Somaliland Md:Abiib Diiriye Nuur, ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayey xukuumada madaxweyne Siilaanyo, waxaana uu ku sababeeyey in iscasilaadiisa ay sababtay dhaliilo badan oo uu ka arkay xaga maamulka xukuumada madaxweyne Siilaanyo, isaga oo tibaaxay in talada maamulka ee dalku aanay kaliya ku jirin gacanta madaxweyne Axmed Siilaanyo oo qudha, balse ay jiraan dadyow kale oo ku lug leh talada dalka.

Md:Abiib Diiriye Nuur, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu ugu horeyn ka hadlay waxyaabaha u sababta ah is-casilaadiisa."Is-casilaadayda waxaa keentay waa dhaliil aan arkay, Carabtu waxaa ay ku maah maahda haddii ay kuugiintu badato, maraqa ayaa xumaada.taasna macnaheedu waxa weeyaan haddii ay taladu badato waxbaa kharibma oo dee la' iska dabataliyo, waana ta keentay oo meesha dee taladii ayaa badatay sida oo kalena waa ta keentay in nin waliba meesha uu doono ha joogee uu isaga oo dhabanada haysta oo xag uu u socdo iyo wax la doonayayo si layeelana la garan la'yahay oo ay ahaayeen dad wareer badan ku jiray.Wareerkan(Confusion) horeba waan u arkay oo runtii wax jira ayey ahayd in dalku wareer ku jiro. laakiin se soo qofka kol uun wax kuma dhashaan, dee qofku haddii uu isdiid siiyo isdiid siiyo mar ayuunbuu dee waxu ay ka soo baxayaan, markaa dee wax biiray biiray ayuunbaan dee la adkaysan kari waayey, in aan dee ka sii dhex muuqdo meesha.".Ayuu yidhi Abiib Diiriye Nuur.

Wasiirkii hore ee wasaarada warshadaha Abiib Diiriyey Nuur oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa aanu waydiinay in Is-casilaadiisu ay wax xidhiidh ah la leedahay tii wasiirkii hore ee maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo todobaadkan uun isna xilka iska casilay, waxaana uu yidhi:

"Is-casilaadaydu wax xidhiidh ah lama laha wasiirkii hore maaliyada Samaale, se hadana dhinac marka aad ka eegto haayoo waa ay la leedahay oo dee horta isku shaandhayntan ugu danbaysay dee sidiisa ayaab u u khaldanaaba, oo marka aad eegto waad arkaysaa in taladani ay tahay talo la calaaliyey oo hareeraha laga joogsaday oo aan laga baaraan degin waad arkaysay, marka aad aragto dadka qaarkood oo la keenay,markaa runtii waa lagu deg dagay. marka xataa dee waxaad ku garanaysaa in talada lagu deg-dagay xiliga dee isbedalku uu dhacay, waa xili dee dadkii waayo araga ahaa ee waawaynaa aynu garanaynaa ay sheegeen oo xiligan dee wax lama bedalo waayo dee saddex bilood ayaab xukuumada ka hadhay wakhigeedii.".

Md:Abiib Diiriye Nuur, oo sida oo kale aanu waydiinay waxyaabaha u sababta ah in xukuumad walba uu iska casilo marka uu wakhtigeedii sii dhamaanayo, maadaama uu hore xukuumadii Rayaale iskaga casilay wasiirka duulista iyo hawada iyada oo wakhigeedii uu gabaabsi sii yahay. "Waxbaa ka jira arrintaas oo dee anigu marka aan arko xaaladahan oo kale waan is casilaa, dee waxaan ahaa dadkii dadkan iyo dalkanba u soo halgamay runtii ee wakhtigii ugu badnaa u lumiyey ayaan ahaa, markaa dee waan damqanayaa oo marka aan arko iyada oo si khaldan wax loo wado runtii waa ay idam qaysaa runtii, markaa waan arkay dee khaladaad fara badan, waanan xisaab tamay runtii, oo waxan idhi waxan haddii aad ku sii dhex jirta uun dee.".Ayuu yidhi Md:Abiib Diiriye Nuur.

Abiib Diiriye Nuur, waxaa uu sida oo kale ka hadlay aqoonta uu madaxweyne Siilaanyo u leeyahay, waxaana uu tilmaamay in uu yahay nin aad u wanaagsan ."Madaxweynaha runtii saaxiib ayaanu ahayn muddo dheer, wax badan oo wanaag ahna waa uu leeyahay waliba gaar ahaan dee laba arrimood oo ragaadiyey had iyo jeerna ay Soomaalidu ku dhaqanto ama ay ku macaamiso aan lahayn, madaxweynahu horta qabiil maaha, waa ta labaade nin wax urursada maaha haddaan dee imika loo gurin oo dee dabeecada laguma aqoon aniga iyo cidii kale ee taqaanayba kumaanan aqoon, markaa nin nadiif ah oo maalinkan maanta ah samir badan ayaa uu ahaa, laakiin dee wax kale ayaa iska jira oo dee qofka bani aadamka ahi waligii dee sidaas iska ahaan maaya uundee soomaaliduna dee waxaa ay ku maahmaahda da'du ma qado, oo dee wax ayuunbay kaa dhimaysaa uun oo anaga laftayada ayaaba iska dhaw dhaw hada."Ayuu yidhi Abiib Diiriye Nuur.

Ugu danbayntii Md:Abiib Diiriye Nuur, waxaa uu ugu danbayntii uu fariin u diray madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, isaga oo kula taliyey in aanay taladu gacantiisa ku jirin ee uu isku dayo sidii uu talada dib ugu soo ururin lahaa gacantiisa.

"Madaxweynaha waxaan fariin u dirayaa oo aan leeyahay madaxweyne dadku adiga kuma diidana cid ku diidanina ma jirto oo yacnihii dee xukunkii ayaa lagula qaybsaday oo waa uu baahay cid walibana waa uu ka talinaysaa, dee arrintaa soo ururi oo talada gacantaada ku soo celi ayaan ku odhan lahaa.Anigana haddii uu istiqaaladayda iga aqbali waayo maya ee ma aqbalaayo anigu oo waan u gayn lahaa haddaan doonayo, waana sababta aan warbaahinta ugu mariyey in ay taasi tahay."Ayuu yidhi Abiib Diiriye Nuur.