Dabeecado Haddii Aanad Degdeg U Joojin Kugu Keeni Kara Khatar Caafimaad Darro Oo Nafsi Ah (1)

0
581

Hargeysa (Geeska)- Waxaa jira aaminsanaan qaldan, anshax iyo hab-dhaqan aan habboonayn, qaab fikir oo aan sax ahayn iyo caadooyin haddaad qabatinto kugu keeni kara dhibaatooyin caafimaad oo nafsi ah iyo mushkilado bulsho. Wargeyska Geeska Afrika waxa uu maanta akhristayaashiisa la wadaagayaa dabeecado iyo caadooyin shakhsi ah oo dad badani joogto u sameeyaan laakiin ay qasab tahay in dhaqso loo joojiyo, haddii kale u dhow in ay burburiyaan caafimaadka nafsiga ah ee qofka, noloshiisana cadaab u rogaan. Waxa aanay yihiin:

1. Jooji in aad waqti la qaadato dad aan adiga munaasab kugu ahayn, wa faa’ido ahna aan ku soo kordhinayn himilada aad leedahay iyo hiigsigaaga.

2. Iska jir in aad ka baxsato mushkiladahaaga, oo aad naftaada u sheegi weydo runta ah in mushkiladdaasi jirto, waxa la gudboonna yahay in ay ka fikirto xal u heliddeeda iyo la noolaanshiyaheeda.

3. Iska jir in aad naftaada been u sheegto, sida in aad geyso darajo aanay gaadhin ama nolol aanay weli u bislayn.

4. Ha isku deyin ama naftaada ha ku kallifin in ay qof kale noqoto.

5. Weligaa dhacdo hore iyo taariikh aad soo dhaaftay ha ku dheggenaan.

6. Ha ka baqan qaladka, waayo haddii aad qaladka ka baqato hawl ma qaban kartid. Waa tii Soomaalidu hore ugu maahmaahday, “Canaan ka ya yaab, reer Ma doojo”

7. Naftaada ha ku canaanan qaladaad ay hore u gashay, ee bar sidii aanay kuwii oo kale mar kale u samayn lahayn.

8. Ha isku dayin in aad farxadda ku raadiso lacag, iyo wax yaabo aad iibsato.

9. Ha u qaadan in farxadda adduun cid gaar ah kooto ugu xidhan tahay, naftana u sheeg in berriyi ay maalintaadii guusha iyo farxadda noqon karto.

10. Ka fogow caajiska iyo xaglo laabnaanta. Iskana jir in aad ku talax tagto fikirka, waayo waxaa dhici doonta in fikirkaaga badani uu isagu abuuro mushkilado aan jirinba. La soco…