Shaqooyin Hoose Oo Sagaal Madaxweyne Oo Maraykan Ahi Soo Mareen Xilka Ka Hor (Qaybta 8aad)

0
543

Picture2

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Siddeedaad ee qormadii uu Geeska Afrika kaga waramayey sagaal madaxweyne oo Maraykanka soo maray, oo xilka ka hor soo maray shaqooyin qallafsan oo marka imika magacooda la xasuusto aanay rumaysashadoodu maskaxda ku soo degdegeyn.

8. Bill Clinton: Karraanigii noqday madaxweyne Maraykanka aad looga jecel yahay:

Bill Clinton waa madaxweynihii 42aad ee dalka Maraykanka, waxa uu kaalmaha hore kaga jiraa liiska madaxweynayaasha dalka Maraykanka loogu jecelyahay, xilligiisii waxa uu dalka Maraykanka gaadhsiiyey heerkii shaqo la’aanta ugu hoosaysay ee muddo aad u dheer dalkaas soo martay, waxa uu abuuray jawi dhaqaale oo aad u xasiloon oo ay khubaradu sheegeen in xitaa muddo soddon sano oo soo socota ah in uu warwar la’aan ka dhigay xaaladda dhaqaale, tirokoobyo la sameeyey maalintii xilka uu ka degayeyna waxa ay sheegeen haddii uu sharciga Maraykan ogolaan lahaa in ay dadka Maraykanku raalli ka ahaan lahaayeen in uu Bill Clinton noqdo boqor inta uu nool yahay u sii taliya ama ugu yaraan kal saddexaad loo doorto madaxnimada dalka. Haddaba haddii uu Clinton sidaas ahaa waxa aynu is weydiinaynaa madaxnimada ka hor shaqooyin sidaa u magac leh ma soo qabtay?

Clintin waxa uu soo maray nolol faqiir ah oo aad u ugu dhib badnayd, tusaale ahaan markii uu galay jaamacadda Georgetown waxa uu aad uga warwarsanaa in uu awoodi kari doono in uu iska bixiyo kharashka waxbarashada. Laakiin aakhirkii deeq-waxbarasho iyo lacag yar oo ay waalidkii siiyeen ayaa u sahlay.

Clinton waxa uu la soo koray hooyaday oo ay say kale wada joogaan, saygaasi waxa uu lahaa dillaal ka ganacsada sii iibinta baabuurta, hooyadiina waxa ay ahayd kalkaaliso caafimaad. Clinton buuggiisa xusuus qorka waxa uu ku sheegay in nafiskii ugu horreeyey ee uu dareemay ay ahayd markii uu helay shaqo aan rasmi ahayn oo ah karaannimo uu kaga shaqaynayey xafiiska guddida arrimaha dibadda ee golaha odayaasha Maraykanka, waxaana mushahark loo siin jiray lacag bishii u dhiganta 290 doolar, lacagtaas oo aad u yarayd marka loo eego nolosha uu u baahnaa.

“In kasta oo aanan abidkay cid u sheegin hadda ka hor, waxa aan ku sigan jiray in aan ka tago magaalada Georgetown oo aan dib ugu noqdo magaaladaydii, oo kulliyadaha waxbarashada ee ku yaallaa ay ka lacag jabnaayeen” Ayaa uu Clinton ku qoray buuggiisa. La soco cadadka dambe iyo qisada shaqooyinka liita ee uu madaxwyne George Bush kii weynaa soo maray xilka ka hor.