Xil. Obsiiye Oo Go’aankii Komishanka Doorashooyinka Ku Tilmaamay Mid Aan Wanaagsanayn Oo Fulaynimo Ka Muuqato Kulana Taliyey In Aanay Dalka Mugdi Sii Gelinin

0
499

Gacan

Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye(Gacan) oo ka mid ah mudanayaasha aqalka golaha guurtida Somaliland, ayaa si adag uga hadlay go’aankii dhawaan ka soo baxay komishanka doorashooyinka qaranka, waxaana uu ku eedeeyey in khal-khal iyo muran aad u xoogan ay dalka galiyeen isaga oo sida oo kalena ku tilmaamay in ay yihiin fulay ka baqday in ay sheegaan wakhtiga ay doorashadu ku qabsoomi karto. Waxa kale oo uu ka hadlay hadalo iyaguna dhawaan ka soo baxaayey axsaabta mucaaradka kaas oo salka ku hayey in la kala diraayo hay’addaha dawlada marka ay gaadho 26ka Juun haddii ay dalka doorasho ka dhici waydo, waxaana uu carabka ku dhuftay in aanay jiri doonin wax dawlad ah oo la kala diraya sidaas awgeedna la raaci doono nidaamka iyo distuurka dalka u yaala.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye(Gacan), ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu ugu horeyn sheegay in ay caddahay in  26ka Juun aanay wax doorasho ahi  dalka ka dhacayn.

"Aniga fikradayda go'aankan ay komishanku ku dhawaaqeen ilama wanaagsana, sababtu ay tahay marka ugu horeysa iyaga ayaa loo doortay in ay doorashada iyo diiwaan galintaba ay iyagu maamulaan oo ay qorshaheeda leeyihiin, maalintii dhawaydna waxaa ay yidhaahdeen annagu diiwaan galinta waxaanu qabanaynaa bisha lixaad illaa bisha sagaalaadna waanu wadaynaa, halkaa waxbay ka kordhiyeen oo korodhsiimo ayaa ay ka muujiyeen, markii la waydiiyey doorasho ma dhacaysaa mise dhici maysana waa ay ka gaabsadeen, taasna fulaynimo ayuunbaan u arkaa anigu, dalkana in ay iyagu mugdi sii galiyaan oo ay muran sii gasho arrintu maaha ilayn iyaga ayaa hawsha doontayee, sababtu ay taha haddii ay doorasho dhacayso iyo aanay dhacayba sheegaya oo madaxweynaha u soo gudbinaaya, madaxweynahuna annaga ayaa uu noo soo gudbinayaa. Markaa in ay wadanka khalkhal sii galiyaan maaha, oo imika in aanay 26ka Juun doorasho dhacayn waa ay cadeeyeen laakiin goor ay dhacayso oo kale waa ay ka meereesteen.".Ayuu yidhi Md:Axmed Muuse Obsiiye(Gacan).

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, ayaa sida oo kale waxaa uu sheegay in haddii ay ka guurti ahaan ay muddo kordhin u samaynayaan xukuumada jirta ay eegayaan duruurfaha ka jira dalka, waxaana uu tibaaxay in mar walba guurtida waajib ku tahay in ay illaaliyaan distoorka dalka.

."Horta marka hore annaga maanta taayada lagama sii warami karo, sababtu ay tahay dee wax na loo soo gudbiyeyba ma jirto, wakhtigii wax la kordhin lahaana ma dhawa oo bisha May ayaa la' isagu imanayaa taas, kama sii saadaalin karo anagu oo wax weeyaan marka madaxweynahu noo soo gudbiyo ayaanu duruufta qiyaasna oo laga wada hadlaa intee ayaa aynu kordhin karnaa, Guurtiduna had iyo jeer dastuurka in ay illaaliso ayaa ku waajib ah oo meel madhan oo aan dawlad jirin ayuunbay Guurtidu ka carartaa, markaa annagu taayada kama sii warami karno, wax maanta na horyaalana dee ma jiraan.".Ayuu yidhi Md:Axmed Gacan.

Ugu danbayntiina Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye(Gacan), waxaa uu sheegay in haba-yaraatee aanay jiri doonin xukuumad la’ kala dirayo haddii 26ka Juun ay doorasho dalka ka dhici waydo, waxaana uu sheegay in mucaaradku ay arrintaa kaliya uga dan leeyihiin sidii ay xukuumada cidiidhi u galin lahaayeen balse distoorka dalka aanay ku jirin wax xukuumad ah oo la kala dirayaa.

"Horta marka hore dalku distoor ayaa uu leeyahay, distoorkaas ayaa ay hay'ad wal oo dalka ahina ay ku dhisan tahay iyada ayaana aynu wax ku soo aas aasanay oo distoorka haddii doorasho dhici waydo in la kordhiyo distoorka ayaa sidaas dhigaaya, hadda wakhtigii beelo wax lagu kordhin lahaa ma joogno, taasi waxaa ay illa tahay sida ay arrinta u sheegayaan u socon maysee Komishanka iyo xukuumada heshiis la gaadha inta aanay wax kale soo kordhin oo idinka oo talo midaysan gaadhay wakhtigu ha dhamaado, laakiin wax la kala dirayaa ma jiraan, anigu mucaarad ayaan ahayoo dawlad la kala dirayaa ma jirto, oo sharciga ayaa la raacayaa oo hore ayaa aynu u soo marnay, wax maanta la bilaabaya ma jirto, waayo yaa kala diri kara ayaa meesha taala, marka idinkuna saxaafada hadaad tihiin ha buubbuunina, waxa ay uga jeedaan oo qudha waa in ay cidhiidhi ku galiyaan xukuumada iyo muxaafadka e'.".Ayuu yidhi Md. Axmed Muuse Obsiiye.