“Waxa Aanu Raadinaynaa Xal … Taladeedana Waxa Aanu Ka Sugaynaa Madaxweynaha, Cidda Jawaabta Ka Bixinaysaa Waa Cid Aannaan Weydiin”

0
438

Picture1Hargeysa (Geeska)-Musharax Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa tilmaamay in Munaasibadii Xisbiga Kulmiye qabsaday, loo isticmaalay hantidii Qaranka, isaga oo xusay in Munaasibadaasi ujeedada loo qabtay ay ahayd in loogu jawaabo qodobadii labada xisbi mucaarad iyo Madashu sida wada jirka ah u soo saareen. Musharax Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, oo wareysi gaar ah siisay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale sheegay in aan mawqifkooda  waxba iska bedeli doonin ilaa Madaxweynuhu ka jawaabayo qodobbadaas iyo wada tashigaas ay u soo gudbiyeen, waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya  “Waa ayaan darro ah in Shacabka la jaahwareeriyo, oo taladdii ay soo jeediyeen isbahaysigu lagaga jawaabo abaabul iyo olole. Wadatashigu waa xal doon, waxa aanu raadinaynaa xal ummaddani ay ku gaadho Doorasho, taladeedana waxa aanu ka sugaynaa Madaxweynaha, cidda jawaabta ka bixinaysaa waa cid aannaan anagu weydiin jawaabta, Olole cid kale gasho annagu jawaabta ka sugi mayno, oo dad soo ururiya, una isticmaala hantidii Qaranka, inta ay hantida Ummadda Olole ku galayaan waxa u dhama iyaga oo biyo ugu dhaamiya dadka reer Somaliland ee abaaruhu hayaan, ee Xeebaha ku dhibaataysan”

Murashax Cabdirashiid Xasan Mataan oo aanu wax ka weydiinay inay wax iska bedeleen mawqifkoodii 26-june ayaa yidhi “Mawqifkaygii waxba iskamay bedelin, oo waa kii maalintii ugu dambaysay la akhriyey, ee ahaa in aanu Madaxweynaha ka sugayno talo wada tashi oo uu hogaamiyo, haddii la waayana waa sida aanu sheegayna oo mawqifkaygu halkii ayuu taagan yahay.

Waxa aan sheegay in dadka aan lagu jaha-weererin inay dhibaato imanayso, wax khal-khal ah oo dhacaya ma jiro, Xukuumaddu dadka yaanay cabsi ku gelin taladaas la yidhi doorashada lagu fashiliyey, talo ka wanaagsan oo Doorashada ina gaadhsiisa ayaa loo baahan yahay, taas oo dadka loogu turjumay inay Nabadgelyo daro dhacayso, wax nabadgeliyo daro ah oo dhacaya ma jirto, hay’addihii Dawladduna wey shaqeeynayaan, hogaanka is bedelkiisiina si nabada ayaa loo bedelaya iyada oo aan dhibaato dhicin, haddii aanay Dawladdu dhibaato wadin”