Shaqooyin Hoose Oo Sagaal Madaxweyne Oo Maraykan Ahi Soo Mareen Xilka Ka Hor (Qaybta 6aad)

0
584

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Lixaad ee qormadii uu Geeska Afrika kaga waramayey sagaal madaxweyne oo Maraykanka soo maray, oo xilka ka hor soo maray shaqooyin qallafsan oo marka imika magacooda la xasuusto aanay rumaysashadoodu maskaxda ku soo degdegeyn.

6. Lyndon Johnson: Kuuli waddooyinka dhisi jiray oo madaxweyne noqday:

Lyndon Johnson markii uu dhammaystay waxbarashada dugsiga sare oo ahayd sannadkii 1924kii, waxa ay noloshiisu gashay waqtig tariikhyahannada qaar ku tilmaameen, “Waqtigii baadiyowga” Isaga iyo shan wiil oo ay saaxiibbo ahaayeen ayaa guulay gaadhi Tagsi ah oo ay ugu talogaleen in ay ku shaqaystaan, iyaga oo dadka u kala qaadaya gobollada Texas iyo California.

Lyndon waxa uu muddo ku noolaa gobolka Calirfornia oo uu gaadhigii kaga hadhay, muddo uu gobolkan joogayna waxa uu soo qabtay shaqooyin aad u hooseeya oo u badan muruqmaalk. Hal sano kadib ayaa uu dib ugu soo noqday gobolka Texas, muddo yar oo uu joogay kadibna waxa uu bilaabay in uu noqdo muruqmaal, gaar ahaan waxa uu shaqo kuulinimo ah ka helay dhismaha jidadka.

Sannadkii 1927kii ayaa uu Johnson dib ugu noqday waxbarashadii uu ka dhacay, waxa aanu si qoray kuliiyadda macallimiinta ee Southwest oo ku taallay gobolka Texas, markii uu dhammaystayna waxa uu shaqo macallinnimo ka bilaabay dugsi yar oo wax lagu bari jiray dadka asalkoodu uu yahay Isbaanishka ama Laatiin Ameerika ee ku dhaqan dalka Maraykanka, dugsigani waxa uu ku yaallay xaafad aad u faqiir ah, laakiin macallinnimada waxa uu dhinac waday waxbarashadii.

John markii uu sannadkii 1930kii jaamacadda dhammaystay, waxa uu sii gudo galay macallinnimadii macallinnimadii, oo mushaharkii ugu horreeyey ee loogu bilaabay uu ahaa 127 iyo badh doolar bishii. Aakhirkiina waxa uu shaqo ka helay aqalka Kongareeska Maraykank, halkaas oo aakhirkii noqotay sallaankii uu ka fuulay dunida siyaasadda ee gaadhsiisnaa in uu madaxweyne ka noqdo Maraykanka.