Duruus Lagama Maarmaan U Ah Nolosha Oo Aanay Bixin Dugsiyada Waxbarashada Loo Tagaa (3)

0
770

Hargeysa (Geeska) Waa qaybtii saddexaad uguna dambaysay taxanihii uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey qaar ka mid ah duruusta lagama maarmaanka ah ee nolosha laga barto.

11. Iska yaree daawashada talefishanka: Talefishanku waa balwad maskaxda kaga khatar badan maandooriyaha. Waa aald si yaab leh waqtiga u lumisa, inta badanna faa’idada laga helaa ay kooban tahay, gaar ahaan marka la barbar dhigo wax yaabo badan oo kale oo uu qofku xilligiisa firaaqada ku maarraroobi karo. Qof kasta oo jecel in uu waqtigiisa ka faa’idaysto talada ku habbooni waa in uu ka dheeraado talefishanka daawashadiisa, halkiisana uu ku beddesho balwadda wax-akhriska iyo jimicsiga jidhka.

Waxaa hubaal ah in qofka oo caadaysta jimicsigu in ay kor u qaaddo caafimaadkiisa jidheed, halka wax-akhriskuna uu ka dhiso maskaxda. Labadaas oo iskaashadaana ay isbeddel muuqda oo togan ku keenaan guud ahaanba nolosha qofka.

12. Ha ku niyad jabin guuldarrada badan: Guuldarradu waa macallin weyn oo aanay noloshu ka maarmin, waxa ay ina bartaa in aynu dhinac iska dhigno kibirka iyo isla’ weynida, waxa ay innagu tababartaa hannaanka ay tahay in aynu qaladaadkeenna u saxno. Qofka masaxda badani waa kan qaladka uu galo qirta, una arka in uu yahay keliya dib u dhac yar oo ku yimi waqtigii uu qorshaystay, balse aan ahayn guul darro iyo in hawshii uu faraha ka qaado. Mar kasta oo uu qofku qalad galena waxa uu ka helaa waayo-aragnimo ku hagta jidka ugu saxsan ee uu ujeedadiisa u mari karo.

13. Qaladaadka dadka kalana wax ka baro: Xikmadda waxaa ka mid ah in aynu duruus iyo cibrooyin ka qaadanno qaladaadka ay dadka kale galaan, haddii ay yihiin kuwo muddo aad kaaga horreysay la galay oo taariikhda ku xusan iyo haddii ay yihiin kuwo aad goobjoog u tahayba.

Weligaa ha sugin qaladka inta aad adigu ku dhacayso, balse ax ka baro, oo hawl kasta oo aad gelayso, inta aanad bilaabin daraasee dadka kaaga horreeyey ee ku fashilmay si aad uga baydho qaladaadka ay ku dhaceen.  Sidoo kale ku dadaal in aad akhrido waayoaragnimooyinka kale ee dadka si ay kugu noqdaan duruus.

14. Jacaylkaaga sheego: Iska jir in aad noqoto ruux khajilaad badan, ogow in ay kala duwan yihiin xishoodka oo ah in xumaha aad ka joogsato, diinteennuna dhiirri gelisay iyo khijilaadda oo aynu ku macnayn karno il-nugayl, ama qofka oo ka waabta in uu ku tallaabsado ficil aan ceeb isaga iyo cid kale midna u lahayn.  Weligaa ha ka khajilin in ruuxa aad jeceshay aad runta uga sheegto jacaylka aad u qabto. Noloshu aad ayaa ay u gaaban tahay ee inta aad dunida joogto ku raaxayso shucuurta macaan ee jacaylku nafta ku beero.

15. Noloshaada Noole: Mar kasta u nooloow in aad wanaajiso oo aad horumariso noloshaada iyo nolosha dadka kugu xeeran. Noqo ruux faa’ido leh, deeqsinimada ha seegin, iskana jir in aad niyad xumo ku noolaato. Waxaa jira dad badan oo niyad xumo iyo walbahaar ay ka qaadeen wax aanay waxba ka qaban karini uu kaga tegey raad taban oo ka duway dhabbihii saxda ahaa ee noloshooda, kuna noqday boog si joogto ah lurkeedu ugu soo kaco. Dhammaad.