Geed Dadka Cuna Oo Bulshada Deegaanka Uu Ka Baxaa Aaminsan Yihiin In Uu Yahay Cadhadii Awoowyadood

0
512

Picture2London (Geeska)- Koox Khubaro ah oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa 30 Sano ka hor u safray Jasiirad ku taalla badwaynta Hindiya oo ay ka samaynayeen cilmibaadhis, waxa aanay sheegeen in ay Jasiiradaas ku soo arkeen Geed la sheegay in uu cuno dadka iyo xayawaanka, taas oo si ay u xaqiijiyaan ay muddo u kuurgaleen. Waxaana u soo baxday xaqiiqada ah in geedkani uu dadka iyo xoolahaba cuno, iyaga oo arrintaas sii faahfaahinayana waxa ay sheegeen qofkaas ama neefkaas ilaa uu noqdo Qolfof.

Waxa kale oo ay kooxdani sheegeen in Jasiiradda uu geedkani ka baxaa ay leedahay sheekooyin iyo mucjisaad fara badan in geedkan caleemihiisa oo si xad dhaaf ah u tiro badan iyo Laamihiisu ay isku maraan kuna dhegaan qofka ama neefka u dhowaada, kadibna ay ka nuugaan dheecaanka iyo dhiigga. Laamahan iyo Caleemahani kama fuqaan oo dadka deegaankaasi ay ka sheekeeyaan. Qisaska ay khubaradu ka warameenna waxaa ka mid ahaa, in dadka jasiiraddaasi ay aaminsanyihiin caqiido khuraafaad ah oo sheegaysa in geedkan dad cunka ahi uu metelayo cadhada awoowyadoodii hore, sidaa awgeedna aad ayaa ay u qadariyaan una karaameeyaan geedkan. Oo qofka uu cuno ama xoolihiisa wax yeelleeyo ay ku sheegan qof cadhadii awoowyadu ku dhacday.

Arrinta kale ee yaabka lihi waxa ay tahay in dadka deegaankaas ku dhaqani ay aaminsan yihiin in qofka diida ama rumaysan waaya in aaminsanaantooda geedkaas la xidhiidhaa ay run tahay inuu yahay qof Nacdali ku dhacday oo masiibo iyo halaag weyni ku soo fool leeyahay.