Shaqooyin Hoose Oo Sagaal Madaxweyne Oo Maraykan Ahi Soo Mareen Xilka Ka Hor (Qaybta 5aad)

0
558

Picture3Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Shanaad ee qormadii uu Geeska Afrika kaga waramayey sagaal madaxweyne oo Maraykanka soo maray, oo xilka ka hor soo maray shaqooyin qallafsan oo marka imika magacooda la xasuusto aanay rumaysashadoodu maskaxda ku soo degdegeyn.

4. Richard Nixon:

Richard Nixon oo ahaa madaxweynihii 37aad ee dalka Maraykanka ayaa  isaguna ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha aanay yaraantoodii duruufaha dhaqaale ee adduunku la jirin. Barbara Perry, oo ah guddoomiyaha labaad ee xarunta Miller ee barnaamijka taariikhda ee jaamacadda Virginia ayaa mar uu ka hadlayey noloshaa uu soo maray Richard Nixon waxa uu hadalkiisa ku soo koobay, “Macno ahaan waxa aad odhan kartaa, waxa ay ahaayeen faqiir xad dhaaf ah”

Dhibaatooyinka dhaqaale ee Nixon qoyskiisa caydheeyey waxa ay soo taxnaayeen tan iyo sannadkii 1922kii markii ay waalidkii ka baaba’day beer ay lahaayeen oo liin dhanaantu ka bixi jirtay. Markaa kadib aabihii waxa uu furtay meherad isugu jirta macdaar iyo kaalin shidaal.

Meheraddaas oo dhammaan xubnaha qoysku ay shaqaale ka ahaayeen.

Nixon subax kasta inta uu kaco goor hore, ayaa inta aanu dugsiga tegin waxa uu sii hubin jiray badeecadaha iyo cuntooyinka meheradda lagu iibinayo si inta dhiman ama sii go’aya uu suuqa uga soo adeego.

Sannadkii 1930kii, Nixon waxa uu is qoray kuliyadda Whittier, markii dambana waxaa aad u caawiyey deeq waxbarasho oo uu ka helay jaamacadda Duke, kuliyaddeeda sharciga. La soco Madaxweyne kale iyo duruufaha dhaqaale ee uu soo maray…