Maadayska Googooska Geeska: Ninkii Hunguriga Weynaa Iyo Qiilkii Uu U Sameeyey Hungurigiisa

0
634

Hargeysa (Geeska)- waxaa jiri jiray nin caan ku ahaa hunguri weynaan, laakiin xikmad badnaa oo xariif ku ahaa in uu asturo ceebtiisaa, isla markaana mar kasta heli jiray xeelado uu ku helo cuntada uu rabo, iskagana jeediyo indhaha dadka oo aad ugu bartay ceebtiisan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu ninkani ku soo baxay koox raggii deegaankiisa ee ay aadka isu yaqaanneen ah oo meel bannaan geed hoostii cunto ku wadaagaysa. Markiiba inta uu dhinacooda u soo tallaaba dheereeyey ayaa uu dul yimid, isaga oo weydiiyey bal waxa ay cunayaan.

Qoladan oo ninkan si fiican u garanaysay, hunguri weynidiisana ogaa, ninkii fadal iyo soo fadhiiso kuma ay odhanin, isna markii uu arkay in kooxdani aanay waxba u ogolayn ayaa inta uu iskala soo fadhiistay uu mar labaad weydiiyey, “Waar maxaad cunaysaan?!”

Kooxdii oo dareensan in wax kasta oo ay yidhaahdaan si ay uga hor istaagaan cuntada aanu ku joogsan doonin, oo weliba uu u heli doono jawaab qosol leh ayaa ugu jawaabay, “Waxa aanu cunaynaa Sun” Ninkii hunguriga waynaa inta uu iska oohiyay, cuntadiinga gacanta geliyay si uu ula cuno ayaa uu yidhi, “Haddii aad dhimataan, dabadiin maxay noloshu ii taraysaa, waa in aan wax idinla qabaa.”