Duruus Lagama Maarmaan Nolosha U Ah Oo Aanay Dugsiyada Waxbarashada Loo Tagaa Bixin (2)

0
754

Hargeysa (Geeska) Waa qaybtii labaad ee taxanihii uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey qaar ka mid ah duruusta lagama maarmaanka ah ee nolosha laga barto.

4. Qofka ayaa shayga ka muhiimsan:

Waa arrin muhiim ah in qof kastaa uu niyadda ku hayo in xidhiidhka uu qofka la leeyahay ka muhiimsan yahay, lacagta iyo adduunka kale, oo iyaga aad heli karto, waayina karto. Waxaa muhiim ah in aynu ogaanno in haddii aanu jirin jacayl iyo taageero uu qofku noloshiisa uga helayo qoyska iyo saaxiibbada in aanu dareemayn farxad iyo in ay kuba adag tahay in uu noloshiisa guulaha uu doonayo ka gaadho.

5. Farxaddu waa masuuliyad adiga ku saaran:

Waxa aad naftaada u sheegtaa xaqiiqada ah in aanu jirin qof ku siinaya farxadda aad doonayso, haddii aanad adigu u halgamin in aad farxaddaas hesho.

6. Dadka kugu xeeran kalsooni gasho:

Mar kasta ahow qof awooda in uu masuuliyad qaado. Dadka kugu xeeran u muuji ixtiraam iyo qaddarin, soona dhowee kuwa doonaya in ay kugu soo dhowaadaan ama kalgaca ku tusa.

7. Cafiska badi:

Aadamaha iyo qaladku waa ay wada dhasheen, qofka uu doono ha noqdo, heerka uu doonana ha joogo, waa qasab in qofku uu qaldamo, sidaa awgeed haddii aad qof kasta qalad uu sameeyey ku nacdo waxa aad halis u tahay in dadka oo dhanba aad nacdo, si aanay taasi kugu dhicin, ku dadaal in aad noqoto qof dulqaad iyo cafis badan, qof aqbala cudur daarka iyo raalligelinta dadka ku xeerani u sheegaan. Weligaa dib ha u celin qof raalli gelin kuula socda, ama cudurdaar sida. Iskana jir in aad dadka qalbiga ugu hayso xaasidnimo iyo calool xumo.

8. Qosolka:

Waa run in qosolka qah-qahda ah iyo ka ah cod dheer oo illaa gawsuhu muuqdaan aanu ahayn dabeecad qurux badan, laakiin hadda taasi meesha ka saari mayso xaqiiqada ah in qosolku uu u fiican yahay caafimaadka qofka. Waa muhiim in maalintii ay jirto waqtiyo aad qososhaa, dhoolla caddayntuna waaba dawo fiican.

9. Caafimaadkaaga ha illaawin:

Ma jiro shay jimicsiga uga fiican caafimaadku, waxaa soo raacda cuntada oo aad si fiican u calaaliso, iskana ilaaliso dheregga badan, hawof fiican oo aad hesho iyo qorraxda oo aad isu dhigto marka ay soo baxayso. Waa muhiim in qofku uu caafimaadka naftiisa ku fikiro, kana dhigo wax yaabaha ugu muhiimsan ee aad ku fikirto, kana shaqayso daryeelkooda. Caafimaadkaaga oo aad wanaagsanaadaa waxa uu ka mid yahay tiirarka farxadda iyo guusha ee nolosha.

10. Ha ka joogsan hadafkaaga:

In aad u halganto gaadhista yoolka aad leedahay iyo rumaynta himiladaadu waa jidka keliya ee aad ugu dambaysta ku gaadhi karto guusha aad hiigsanayso, haddii ay doonto muddadu ha kugu dheeraato, waxase muhiim ah uun in aanad mar keliya ka daalin in aad ku socoto hadafkaaga. La soco…