Shan Xaqiiqo Oo Laga Yaabo In Dad Badan Oo Innaga Mid Ahi Ay Ma’oggan Yihiin

0
673

Hargeysa (Geeska)- Qormadan waxa uu Geeska Afrika maanta akhiristayaashiisa kula wadaagayaa shan arrimood oo ah xaqiiqo dad badani aanay dhaadin ama ma’oggan yihiin:

1. Dad badankoodu uma murmaan in ay si qanciyaan, balse waxa ay u murmaan in mid kastaa kan kale ka cadhaysiiyo ama ku adyadoodo.

2. Dadka ay kalsoonida naftu ku yar tahay, inta badan waxa ay isku dayaan ay hoos u dhigaan awoodda iyo kartida dadka kale, si loo moodo in ay iyagu ka karti badan yihiin dadka ku xeeran oo dhan.

3. Mar kasta noloshaada waxaa ku jira qof aad u qabto cadho daran oo gardarro ah, ama aad u neceb tahay sabab la’aan.

4. Dadka badankoodu waxa wanaagsan qiimihiisa waxa gartaan marka uu dhaafo, (Mar uu dhaafay ayaa ay ku baraarugaan in uu shay qiimo badan / wanaagsan ahaa)

5. Qofka laguma qoonsado, faqriga haya, ama fool xumidiisa abuurka ah, waayo isagu xoog iyo xeelad midna uma lahaa labadadaa arrimood, laakiin waxaa lagu caayaa af xumadiisa, iyo akhlaaqdiisa liidata.