Shan Sano Oo Xadhiga Ayaa Lagu Ciqaabaya Nin Kasta Oo Isku Daya In Uu Xakameeyo Nolosha Xaaskiisa

0
528

London (Geeska)- Dowladda Ingiriiska ayaa go’aan ku gaadhay in ciqaab lagu soo rogo ruux kasta oo doona in uu u awood sheegto (Dhinaca talada) lammaanihiisa, oo tusaale ahaan u diida in uu la kulmo saaxiibbadii, ama lacagta ka jara. Waxa aanay arrintan qayb ka tahay ol’ole ballaadhan oo dalkaasi kaga soo horjeedo waxa loo yaqaanno Rabshadda guriga gudihiisa. Oo ah gacan ka hadalka lammaanaha is qaba dhex mara.

Xeerarkan adag ee ay dowladda Ingiriisku ka soo saartay arrimaha qoyska oo toddobaadkii hore ay ku dhawaaqday wasiirka arrimaha gudaha Ingiriiska Marwo Theresa May waxa uu qaban doonaa ruux kasta oo ay ku caddaato in uu qallafsanaan iyo anshax xumo kula macaamilo mataankiisa nolosha.

Arrimaha xiisaha leh ee haddii ninka ama gabadha wada joogaa uu midkood kan kale kula dhaqmo uu xeerkani u arkayo in ay tahay xad gudub sharci waxaa ka mid ah, iyada oo uu u diido saaxiibbada iyo saaxiibtinimada, isaga oo u diida in arrin uu hiwaayad u leeyahay oo sharci ah sameeyo, sida kubadda, iwm. Isaga oo u diida in uu lacag helo, isaga oo basaasa ama si badheedh ah shaki darteed u baadh-baadha talefankiisa gacanta iyo guud ahaanba isaga oo farogelin ku sameeya dhinacyada sii shakhsiga ah ee nolosha maalinlaha ah ee qofka, sida in uu farogeliyo waqtiga hurdada, waqtiga uu guriga ka baxayo ama waqtiga uu cuntada cunayo oo uu doono in uu isagu kelidii go’aankeeda yeesho.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Ilaaf waxa uu intaas ku darayaa in xeerkan cusubi uu xeer-ilaalinta guud u fasaxayo in ay maxkamad la tiigsato dadka dhaqannadaas kor ku xusan ku kaca, ama in ay falalkaas marag uga dhigato ficillo kale oo uu qofku ku kacay, sida haddii ay dhacdo in uu labada ruux midkood kan kale farriin hanjabaad ah talefanka ama internet ka ugu soo diro, taas oo falalkaas hore haddii ay jiraan ay marag u noqonayaan in hanjabaaddaas loo qaato mid ka dhab ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Ingiriiska Theresa May oo xeerkan faahfaahisay ayaa waxaa hadalladeeda ka mid ahaa, “Gacan ka hadalka guryaha dhexdooda ka dhacaa waa dhagar fool xun oo burburisa nolosha cid kasta oo lagula kaco, kuna kallifta in uu ku noolaado macaamilo xumo joogto ah, taas oo inta badan ku damaysa in uu qofku si xanuun badan oo kedis ah u dhinto”

Wasiir Theresa oo hadalkeeda sii wadataa waxa ay intaas ku dartay, “Is-muquuninta xoogga la isu adeegsanayaa waxa ay u dhigantaa tacaddiyada kale, inta badanna ruuxa mataankiisa nolosha kala kulma muquunin iyo amar ku taaglayn joogta ah oo muddo sannado ah socota, aakhirka waxaa ka dhasha uun in uu ruuxaasi dhagar geysto”