Qiso Xanuun Badan Oo Ka Waramaysa Waalid Caasi Hooyadii Oo Silic Ku Soo Korisay Habaar Ka Shaqaystay

0
685

Picture4Hargeysa (Geeska)- Marka aynu filimada ka daawanno qisaska ubad waalidkood ku caasiyoobay ama ilmo hooyadii aan abaalkeeda gudayn, waxa markiiba ina qaada cadho aynu u hayno qoraaga filimkaas ama qisadaas oo aynu ka aaminno in been iyo khayaali tahay ama uu ka waramayo dhaqan xumo ay khatar tahay in aynu barannaa. Laakiin marka aynu aragno dhacdada noocan ah oo waaqac ah, waxa ay indhaheennu ceshan waayaan ilmada, waxaana markiiba ina gala dareenka ah in dunida aakhiru saman marayso. Laga yaabaa in aad canaanato dabeecadda iyo duruufaha adduun, laga yaabaa in aad hiifto barbaarintii hore ee ilmahaas iyo qaabkii loo edbiyey, waanay dhacdaa in aand garanba weydo cid aad arrinkan ku canaanato. Haddaba Akhriste, waxa uu Geeska Afrika maantu kuu soo bandhigayaa qiso dhab ah oo ay hubaal tahay in murugadeedu muddo maskaxdaada ku jiri doonto; waa hooyo iyadu afkeeda kaga waramaysa dhibta iyo saxariir muddo 20 sano ah ay ku qabtay guriga inankeeda, ilaa ay gaadhay in 71 jirkii ay ku door biddo nolosha xarumaha lagu daryeelo dadka waayeelka ah. Wariyeyaal ka socda bar internet ka ah oo laga leeyahay dalka Masar ayaa mar sii horreysay booqday hooyadan oo hadda ku nool xarunta daryeelka dumarka iyo ubadka oo ku taalla magaalada Iskandariya ee dalka Masar, qisadan ayaanay ka qoreen hooyadan dhibban. “Hooyadan oo sababo dhinaca sumcadda ah awgeed aanu magaceeda ku soo gaabiyeen A.C, waxa ay ka soo jeeddaa qoys gob ah oo u dhashay deegaanka magaalada Zaqaaziiq, aabaheed waxa uu ahaa, Sheekh Macallin ah oo dhamaystay jaamacadda Al-Az-har, qoyskeedu dhammaantii waxa uu ku noolaa xaalad dhaqaale oo adag. Nasiib darro hooyadani, ma'ay dhamaysan waxbarashada laakiin si fiican ayaa ay uga adag tahay qoraal-akhriska aasaasiga ah. A.C oo yaraan lagu guursaday, iyada oo 20 gu’ jirtay oo wiil iyo gabadh keliya hooyo u ah ayaa uu mawdku ka kaxeeyey saygeedii. A.C dad badan ayaa damcay in ay caawiyaan dhaqaale ahaan ama u ururiyaan baaho si ay ula kifaaxdo nolosha agoonnimada, rag badan ayaa uu damac ka galay in ay guursadaan, laakiin dhammaan dadkan waa ay ka diiday wixii ay u socdeen. Waxa ay ku doodi jirtay in sababta ay u diidayso baahadu ay tahay iyada oo doonaysa in ay ilaaliso sharafta iyo karaamada labadeeda carruur ah ee aan waxba galabsan. Waxa ay ka ordaysay in hadhaw ay cid uun ku ceebayso ama cay uga dhigto in yaraantoodii loo baahayn jiray ama hooyadood dadka u baryi jirtay. A.C waxa ay shaqaale hoose ka noqotay warshad, si ay ula kifaaxdo nolosha labadeeda carruur ah, Rabbi uma darnaan oo waxa ay ku guulaysatay dhib kastaaba ha soo gaadho ee in ay la halganto faqriga oo ay labadeeda carruur ah ka gudbiso da'dii khatarta ah, waa ay weynaadeen; Inanteedii waa la guursaday. Inankii oo isagu waxbarashada ka badh tegey isaguna waxa uu bilaabay in uu shaqaysto si uu hooyadii ula qaybsado halganka nolosha, dhankiisana wax uun dakhli ah u soo xareeyo. Muddo kadib ayaa inankan oo magaciisu ahaa Majdi uu u socdaalay dalka Kuwait si uu uga raadsado shaqo dhaantan tan Masar. In kasta oo aanu aqoon buuran lahayn haddana shaqooyin ma’ uu waayin, dakhli fiican ayaanu xoogsaday. Majdi waxa uu nolol cusub ka bilaabay dhul aad uga fog halka hooyadii joogto oo Masar ahayd, laakiin haddana, warkeeda marnaba kama uu durki jirin, kalamana uu bakhayli jirin lacagta badan ee kaga baxda talefankan uu kula soo hadlayo hooyadii. La Soco…