Shan Ruux Oo Lagu Fuliyey Xukun Dil Ah Kadib Markii Ay Ku Caddaatay In Ay Dileen Lammaane Is Caashaqay: Diyaariye Kamaal Axmed Cali

2
660

 

naagNew Delhi (Googooska Geeska)- Xukun dil ah oo ay maxkamadi ridday ayaa lagu fuliyey shan ruux oo isku qoys keliya ah magaalada New Delhi ee dalka India kadib markii ay ku caddaatay in ay sannadkii 2010-kii dileen lammaane is caashaqay oo ay diidanaayeen guurkooda.

 

Shabakadaha wararka ee CNN iyo IBN oo laga leeyahay dalalka Maraykanka iyo India sida ay u kala horreeyaan, ayaa ku warramaya in nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Yogesh iyo gabadh uu calmaday oo magaceedu ahaa Caa’isha ay xubnahan hadda la dilay oo ahaa qoyska Caa’isha ay mariyeen ciqaab aad u daran oo isugu jirta jidh dil iyo in ay mararka qaarkood koronto ku dhejiyaan iyaga oo diiddan in ay is guursadaan

maadaama oo ay u arkayeen in wiilkani aanu dabaqad ahaan u qalmin inantooda.

Maxkamad ku taalla magaalada New Delhi ayaa Isniintii toddobaadkii dhowaa dil ku xukuntay Caa’isha labadeedii waalid, adeerkeed, eedadeed iyo nin qaraabadeeda ka mid ah oo ay ku caddaatay in ay kiiskan ku wada jireen. Garsooraha dacwaddan qaadayey oo shabakadahan wararka u sharraxayey sida uu xukunkiisa u riday ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa aan garwaaqsaday in xeer ilaalinta dacwaddan ku soo oogtay qoyskani ay keentay caddayn iyo markhaatiyo aan laga shakiyi karin oo muujinaya in dadkan eedaysanayaasha ahi ay wada jir si badheedh ah oo bilaa naxariis ah u dileen lammanahan is calmaday. Xadhig ayaa ay ku xidhxidheen markaasay jidh dil xun u geysteen, meelo kala duwan oo jidhka ka mid ahna waxa ay kaga dhejiyeen koronto”

Dalka India oo bulshadiisu u qaybsan tahay dabaqado ku dhisan dhinaca dhaqaalaha waxaa aad ugu xoog badan dhacdooyinka ay qoysasku ku diiddan yihiin in ilmahoodu uu guursado dhiiggiisa oo dabaqad ka hoosaysa ah. sannad kasta tobanaan rag iyo dumar ah ayaa u dhinta arrimo la xidhiidha dabaqadahan iyo weliba kala duwanaanshiyaha diimaha tirada badan ee dalkaas laga aaminsan yahay oo qaarkood aanay ogolayn in ay isu gudbaan dadka kala diinta ahi.

Comments are closed.