“Waxaynu Maamuli Kari Kari La’nahay Koontaraagyadii Yar-Yaraa Ee Aynu Helnay, Oo Maanta Madaarkii Ayaynu Kab-Kabaynaa”

0
4015

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro), ayaa soo jeediyay in hantida iyo talada dalka loo sinaado si loo horumariyo qaranka Somaliland.

 

Sheekhu, wuxuu hadalkan ka sheegay khudbadii Salaadii Jimce ee doraad, waxaanu sheegay in waxyaabihii loo soo halgamay ay ugu muhiimsanayeen labadaas qodob.  “Waxaynu u dagaalanay in aynu samayno dal gaar ah oo horumarsan oo si  caqli iyo karti ku jirto loo hoggaamiyo, oo umaddu talada iyo hantida u simantahay, nina aanu sad bursanayn, waayo waxaynu ognahay in dalku inagu filanyahay.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan, waxaanu intaas raaciyay  “Laakiin waxaas oo dhan wax laga jecel yahay in maamulada jira intaad la heshiiso aad qaybtaada qaadato, mushkilada ina haysataa waa hogaan la’aan.”

Sheekh Aadan, wuxuu tab-taabtay mashruucii dib u dhiska madaarka Hargeysa oo u muuqda inay xukuumadu ku fashilmayso haddii aan la daba qaban, “waxaynu maamuli kari la’nahay koontaraagyadii yar-yaraa ee aynu helnay, oo maanta madaarkii Hargaysa ayaynu kab-kabaynaa, oo dadkii Carabtuna ay inagu eegayaan, iska daa’ wax kale  waxaynu maamuli kari la’ nahay dhabahaas  yar ee 300 ee Mitir ah, oo lacagtiisiina diyaar tahay, wakhtina layna siiyay, inaga oo leh intaas oo Injineer.”

Isagoo Sheekhu la hadlaya maamulka jira iyo shacabkaba, wuxuu yidhi “Waar kuwa meesha haysta waxaan leeyahay illaahay halaga baqo oo dadka haloo tudho, kuwani maaha kuwii wax laga dayi lahaa, idinkana waxaan idin leeyahay mushilada ina haysataa waxa weeye haddii aynu kala garan wayno wanaaga iyo xumaanta, waar dulmiga haw gargaarina oo dalka idinka oo dhisaaya haddana xumaanta diida, waar idinka oo dalka dhisaaya tilmaama wixii qalad inagu ah.”