Shan Nin Oo Lagu Hor Dal-Dalay Dumar Ay Kufsi Wadareed Kula Kaceen

0
557

Picture9Kabul (Geeska)- Arbacadii toddobaadkii ina dhaaftay, dalka Afghanistan waxaa dil daldalaad ah lagu fuliyey Shan nin oo dalkaas u dhashay, kadib markii ay maxkamadi ku heshay dembi ah in ay kufsi wadareed kula kaceen afar dumar ah oo iyaguna isla dalkaas u dhashay, waxaana dil ciqaabeedkaas lagu hor fuliyey dumarkii falka ay kula kaceen oo la keenay goobta dal-dalaaddu ka dhacaysay.

23kii Bishii Siddeedaad 2014ka ayaa ay ahayd markii goor waaberi ah koox rag ah oo hubaysani inta ay soo xidheen dirayska booliiska dalkaas ay afar dumar ah oo ay xusheen kala dageen kolonyo baabuur soo galaysay magaalada caasimadda ah ee Kabul kadib markii ay ka yimaaddeen xaflad aroos oo ka dhacaysay meel ka baxsan caasimadda. Dumarkaas inta ay aad u garaaceen ayaa ay kufsadeen, arrintan ayaa cadho ballaadhan ka dhalisay dalka Afghanistan oo ay muwaadiniinti liqi kari waayeen falkan arxan darrada ah, waxaana dhacay dibad-baxyo xooggan oo ay dadku ku dalbanayaan in dil lagu xukumo raggii falkaa geystay. Nasiib wanaag waxaa lagu guulaystay in gacanta lagu soo dhigo toddoba nin oo ah kuwii falkan ku kacay, maxkamad si toos ah talefishannada looga daawanayey si dadka loo dejiyo, waxa aanay ku dhammaatay in shan ka mid ah raggaas lagu xukumo dil dal-dalaad ah, halka labada soo hadhayna lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka so oxigtay wakaaladda wararka ee AFP waxa uu intaas ku darayaa in Arbacadii toddobaadkii dhowaa dil ciqaabeedkan daldalaadda ah lagu fuliyey  Shantan nin iyo nin lixaad oo isagu ahaa hoggaamiye kooxeed maafiya ah oo dil ku xukuman kadib markii lagu helay in uu dad af-duubay. Ku-Xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Afghanistan oo lagu magacaabo Raxmatullaah Nazaari ayaa warbaahinta u sheegay in markii dilkan la fulinayey ay goob joog ahaayeen oo indhahooda ku arkayeen dumarkii ay raggani kufsadeen.