Madaxweynaha Somaliya Oo Ka Badbaaday Gantaalo Ay Al-Shabaab Ku Riday Diyaaradii Uu Saarnaa Oo Ka Degaysay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe

0
438

Picture8Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay dirqi kaga badbaaday isku day dil oo ay la beegsadeen kooxda Al-Shabaab ka dib markii uu ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Barawe ee Somaliya oo dhawaan Al-Shabaab laga qabsaday. Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa shalay baahisay inay kooxda Al-Shabaab gantaalo ku ganeen markii ay diyaaradii uu saarnaa Xasan Sheekh ka degtay madaarka magaalada Baraawe. Gantaalada oo dhawr midh ahaa ayaan ku dhicin diyaaradda. Diyaaradda ayaa waxa saarnaa Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wasiiro, saraakiil milatari iyo saxafiyiin  booqanayay magaalada Barawe ee dhawaan lag qabsaday Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaas. “Xasan Sheekh, dirqi ayuu ku badbaaday, ka dib markii ay geesiyaashayadu lidka diyaaradaha ku rideen diyaaradiisii iiyadoo ka dagaysa madaarka Barawe.” Sidaa waxa yidhi sarkaal Al-Shabaab u hadlay oo ay wakaaladaha wararku soo xigteen.

Dawladda Somaliya wax war ah kamay soo saarin sheegashada Al-Shabaab ee weerarka ay Xasan Sheekh la beegsadeen oo ay wakaaladaha wararka ee dunidu aad u soo xigteen. Magaalada Baraawe ayaa xarun u ahayd Al-Shabaab, laakiin dhawaan ayay ka baxeen, iyadoo ay la wareegeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda Somaliya.

Xasan Sheekh oo isla shalay muqdisho ku noqday ayaa markii uu la hadlayay dadka reer Baraawe, wuxuu u sheegay in dekedda Barawe aan mardambe laga dhoofin doonin dhuxusha.  Waxa uu hoosta ka xariiqay in dhuxusha hadda taalla Baraawe laga isticmaali doono gudaha magaalada, isagoo dadka ka codsaday inay hay’adaha ammaanka la shaqeeyaan.